Maxaa demiyey degmooyinka waqooyi ee Muqdisho oo shiday kuwa koonfurta? Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn dalka Soomaaliya uguna dadka badan ayaa dadka yaqaana sida loo dego waxay u kala qeybiyaan ama u kala tilmaamaan waqooyi iyo koonfur, tilmaantaas waxaa lagu saleeyaa qadkii cagaarnaa ee beri kala qeybi jiray Muqdisho.

Hadda waxaa timid su’aal ah maxay Muqdisho uga koreysaa koonfur oo waqooyi ay u maalgasha la’yihiin dadka dega oo aan ka dhaqaale yareyn qabaa’ilka dega dhanka koonfureed ee magaalada.

Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa warbixin ka diyaariyey arrintaan, isagoo isku maray koonfurta iyo waqooyiga caasimadda Muqdisho, weliba xilli habeen ah.

Weriyaha ayaa la kulmay ganacsato iyo gaadiidley, wuxuu weydiiyey hanaanka ay u shaqeeyaan, warbixintaan waxaa soo galaya arrimo quseeya amniga oo dadka reerv Muqdisho ay dhibaato badan ku qabaan.

Isgoysyada KM 4, Dabka, Jubba, Xeebta Liido iyo goobo kale ayuu socod ku marayaa weriyaha diyaariyey warbixintaan oo soo bandhigeysa magaalada oo qeyb ka densan, qeybna aan laga hoyan.

Weriye Xuseen, wuxuu la kulmayaa oo istaajinayaa dhalinyaro wada mooto Bajaaj, waa xilli habeen ah, wuxuu ka dalbanayaa in ay geeyaan Kaaraan, balse wuxuu kala kulmayaa diidmo adag, iyagoo u sheegaya inay ka baqayaan tuugo.’

In kastoo Muqdisho aysan kala ammaan wanaagsaneyn oo degmo kasta ay tuugadu dhac ka geysato, hadana waxaa jira degmooyin aad looga baqo, kuwaas oo maamullada ka jira aysan xil iska saarin inay wax ka bedelaan caqabadaha amni ee bulshadu ay dhibanaha u tahay.

Hoos ka daawo warbixinta

Leave A Reply

Your email address will not be published.