Xiriirka ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka.

Muddo fog oo aan yarayn ayaan ku fooganaa weyddiinta ah xiriir noocee ah ayaa ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka. Sida labada erey ka muuqato ereyga ‘Horumar’ waxa uu tilmaamayaa qof ama bulsho meel taagnayd ka dibna ka aag bedelatay ama isbedel ku samaysay oo tilaab togan hore u qaaday. Halka ereyga ‘Dhaqan’ uu muujinayo caado ay bulshaddu leedahay oo mararka qaar noqon kara ab’ogaa.

Erayga dhaqan luuqadda ingiriisiga waxa uu ku noqonayaa ‘culture’ asalka eraygani waxa uu ka soo jeedaa eray laatiini ah, oo la dhaho “colore”, eraygaas oo macnihiisu yahay ‘beerid.” Beerta marka laga waramayo waxa ay martaa maraaxil kala duwan, midaas oo kale ayuu dhaqankuna maraa maraaxil lamida midda beerta. Dhaqanku waa abuurmaa, koraa, cudud iyo awoodna yeeshaa, ka dibna abaadaa oo hagaasamaa sida uu sheegay Mufakirkii weynaa ee Maalik Ibnu Nabi.

Dhaqanku waxa uu leeyahay wax yaabo uu ka askumo ama uu ka abuurmo, waxaana la xusaa inay jiraan labo arrimood oo isla falgalay inuu dhaqanku ka abuurmo, waa midda koowaade; deeggaanka (dhulka), ay bulshaddu ku nooshahay; labo, is-maamulka bulshadda. Labadaan arrimood ayaa qaabeeya nooca dhaqan ee ay bulshadu yeelanayso, deeggaanku waxa uu saameyn ku leeyahay bulshada, is-maamulkuna waxa uu door weyn ku yeelanayaa, nooca dhaqan ee ay bulshadu qaadanayso. Dhaqanku waxa uu leeyahay qeexitaano kala duwan cid walbana waxa jira si ay u qeexdo; tusaale ahaan, Elman Service oo ah Khabiir Mareykan ah oo ku takhasusay cilmiga isir-raaca basharka kawarama ee loo yaqaano (anthropology), marka uu dhaqanka qeexayo waxa uu ku qeexaa; ” Nidaam nololeed ay bulsho leedahay ama kooxi kuwada xidhiidhaan, ama wadaagaan. Nidaamkaasi waxa uu ka kooban yahay tiirar kala duwan, tiir walbina waxa uu leeyahay kaalin ka duwan midka kale, tiirarkaas waxa kamida; caadooyinka, diinta, lebiska, cuntadda, luuqada, suuggaanta iwm.

Sida oo kale qolyaha cilmiga bulshadda kawarama (Sociology), dhaqanka marka ay qeexayaan waxa ay ku qeexaan “deegaanka aan dabiiciga ahayn ee aadamuhu uu ku noolyahay.” Dhinaca kale, Qaammuuska afka Soomaaliga ee ay qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, wuxuu kelmeda ‘dhaqan’ ku macneeyey: “Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ay ummadi leedahay, soona maray isbedello taariikheed, kaas oo ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay [samaysteen] ama ay wadaagaan mujtamac gaar ahi.”  Dhaqanku wuxuu kaalin weyn ka qaataa midnimadda iyo isku soo dhawaanshaha bulshadda. Dhaqanku waxa uu ka kooban yahay labbo waxyaabood, oo isutagay, kow; waxyaabaha ay bulshaddu qiimeyso (values), labo; caadooyinka soo jireenka ah ee ay bulshadu qadariso (norms), labbadan ayaa sal gooya ama gundhig u ah dhaqanka ummadeed.

Bulsho walba oo dunida ku nool, waxa ay leedahay dhaqan u gaar ah oo ay kaga duwan tahay ummadaha inteeda kale. Dhaqanku waxa uu saamayn ku leeyahay horumarka iyo ilbaxnimadda bulsho, sida oo kale waxa uu caqabad ku noqdaa xasilloonidda iyo wada-noolaanshiyaha bulshadda, dhaqamadu way isbedelaan had iyo goorna waxa uu ku xiran yahay is-bedelkoodu, duruufta dhaqaale iyo mida deeggaan ee bulshadda ka jirta, sida uu sheegay Kenneth J. Guest oo ah xeeldheere ku takhasusay cilmiyadda kala ah (Sociology & Anthropology). Sidaa awgeed, bulsho walba oo horumartay waxa la xusaa in horumarkooda koowaad uu ka bilaabmo, marka dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyo nooca dhaqan ee ay bulshadu leedahay. Dhanka kale waxa jira su’aal ay is-weydiiyaan culimadda cilmiga bulshadda (sociology)  midaas oo u dhigan sidatan; ma jiraa dhaqan ka wanaagsan, dhaqan kale. Su’aasha jawaabteedu waxa ay noqotay; Haa; dhaqan walba oo oggol in horumar iyo wax ka bedel lagu sameeyo, wuu ka wanaagsan yahay dhaqanka aan diyaarka u ahayn, in isbedel lagu sameeyo.

Xidhiidh aad u dhumuc wayn ayaa ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka; ummad walba oo dib dhacda, waxa loo sababeeyaa inta badan dhaqanka ad-adag ee aan ogolayn in la horumariyo. Dhaqanka oo isbedel lagu sameeyo waxa lagu tilmaamaa waddada horumarka iyo ilbaxnimadda, tusaale ahaan; waddanka Shiinaha waxa ka dhacay kacaan isbeddel dhaqan midkaas oo ay taariikhyahannadu ugu yeeraan; kacaankii isbeddel dhaqan ee Shiinaha (China cultural revolution), inta aysan dhicin tawraddan, waddanka Shiinaha waxa ka jirey dhaqan xirxiran oo aan oggolayn in lagu sameeyo wax isbeddel iyo horumarin ah, midkaas oo sababay in la damco dhulkooda, dhaqaalahooda iyo siyaasaddooda. Horumarka iyo ilbaxnimadda maanta laga arko, dhulweynaha Shiinaha waxa ay inta badan taariikhyahanadu u sababeeyaan in ay salka ku hayso, markii dib-u eegis iyo wax ka beddel lagu sameeyey dhaqankii silloonaa ee ay haysteen, bulshada Shiinuhu.

Dhaqanka la rabbo in wax ka bedel iyo horumarin lagu sameeyo waa midka silloon (xun), ee ay bulshaddu leedahay. Tusaale ahaan midka Soomalidda oo kale; midkaa oo ku suntan, is-yasid, eex, cadaaladdarro, fawdo,  qabyaaladd, nin jeclaysi, boob, iwm. Midkan oo kale weeye kan la rabbo in wax laga bedelo. Maalik Ibn Nabi buuggiisa (شروط النهضة), horumarka marka uu kawaramayo, waxayabaha horumarka kamida, salna u ah; waxa uu ku tilmaamay in dhaqanka bulshadu haysato isbeddel lagu sameeyo. Ibn Khalduun buuggiisa “Muqadima”, marka uu ka sheekaynayo, meelaha u baahan in horumar laga sameeyo waxa uu ku daray “dhaqanka ay bulshadu leedahay.” Sidoo kale burburka dawladnimadda waxa uu calaamad uga dhigay “dhaqanka bulshaddu leedahay oo xumaadda.”  Cali Shariicati waxa uu ku tagay in “dhaqanka silloon ee ay bulshadu leedahay labeddelo.” Cabdiwahaab Masiiri, waxa uu ku doodaa; in dhaqanka midkiisa xun labefdelo, Sooyaalka bulshadana la dhawro.

Dhanka kale; Daniel Etounga wuxuu ku sheegay maqaal uu ku qorey buugga “culture matters”, in Afrika u baahan tahay kacaan isbeddel dhaqan oo taabanaya, afar meelood, kow; waxbarashada, labo; siyaasadda, saddex; dhaqaalaha, afar; nolosha ummadda. Qoraa Maxamad Afrax isana waxa uu ku doodaa in qaranimo aysan Soomaaliya ku soo noqonayn illaa laga helo mooyaanne ” dhaq-dhaqaaq maskax furan. Buugga ‘culture matter; How values shape human progress’ Ee ay wada qoreen, L. Harrison iyo S. Huntington, waxay ku sheeggeen in; sababta koowaad iyo tan labaad ee horumarka iyo burburka keentaa ay tahay dhaqanka bulsho leedahay oo isbeddela.” Sh. Mustafe wuxuu qabaa in; horumarka bulsho uu ka bilaabmo kacaan isbaddel dhaqan (cultural revolution). Quraanku marka uu ka waramayo horumarka waxa uu xusay wax uu ugu yeeray [isbaddel / التغيُر] isbaddelka waxa ka mid ah  dhaqanka silloon (xun), ee ay nafta qofka iyo midda bulshadu leedahay ba  la baddelo.
[إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ].

Haddaba dhaqanka Soomaliyeed waxa uu caqabad ku yahay horumarka iyo dhismaha nidaamka dawladnimo ee tooska ah (formal institution). Dhaqanka ay bulshadda Soomaliyeed leeyahay waa mid ku salaysan reernimo. Nidaamka reeruhuna waxa uu u dhisan yahay sidii dawlad gaar ah, oo leh awood dawladnimo, sida uu sheegay Qoraa sarre Cabdiqaadir Oromo; tusaale ahaan: Ugaasku waxa uu ahaa Madaxweyne, Cuqaashu waxay ahaayeen Wasiiro, gaashaan qaadku waxay ahaayeen milateri, Haweenku waxay ahaayeen wax-soosaar, Culumadu waxay ahaayeen Maxaakiim, Calanka reerku waxa uu ahaa sumadda geela. Nidaam sidan u taxan oo hadana kala hooseeya kalana sareeyaa ayuu ahaa is-maamulka qabiilka Soomaaliyeed. Nidaamka noocan ahi waxa uu caqabad ku yahay qaranimada la rabo in laga askumo, geyiga ay Soomaalidu degto; tusaale ahaan, aqoon-yahan, cilmi-baare, suugaan-dhaadhi, dhaqan-yaqaan—Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” waxa uu mareegta Wardheer-news, ku faafiyey taariikhdu marka ay ahayd, Nofember 18, 2015. Maqaal uu ugu magacdaray “Qabiil iyo Qaran Waa Labo aan israacin, Saamaynta Taban ee Dhaqanka Qabiilku ku leeyahay Qaranka.” Rashiid waxa uu si cilmiyeysan oo uu ruux walba fahmi karo, u soo gudbinayaa in dhaqanka qabiilka ku salaysan iyo nidaamka dawladnimadda casriga ahi ay yihiin labbo shay oon is qaadan karin, waxa uuna xusay in haddii qaran la rabbo, laga tago nidaamka qabaliga ah ee ay Soomali ka dhigatay muqadaska, waxa kale oo uu sheegay, in haddii la rabbo in lagu noolaado; noloshii baadiyaha ee uu ku tilmaamay Thomas Hobbes, xaalad dabiiciya (state of nature), in laga tago nimaadka dawladnimada casriga ah.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi, waxa uu tilmaamay in dhaqanka Soomaliyeed, uu yahay mid taageera qabiilka awoodda badan. Waa dhaqan ku salaysan midab-takoor, waa dhaqan dulmiya dadka tiradda yar, waa dhaqan caruurta iyo haweenka isku si u arka; waxaadna ka garan kartaa maahmaahyadda ay Soomaalidu ku liido haweenka, waxana kamida mid oranaysa; “dumar waa caruur cag weyn.”  Waa dhaqan laysu tixgaliyo sida loo kala awood iyo dad badan yahay, waa dhaqan qofka wax booba, dhaca, dila, loo yaqaan geesi, fariid iwm. Waa dhaqan qofka dambi gala lagu koobo dhammaan reerka uu qofku ka dhashay, waa dhaqan aan kala soocin, qofka dambiga galay iyo reerka!. Waa dhaqan qofku cidda uu ku kalsoonyahay ay tahay, qabiilka uu ka dhashay, waa dhaqan dhiirigaliya dagaalka iyo gacan ka hadalka waxaana kuu muujinaya maahmaahyadooda mid kamida oo tiraahda; “nabadi wax ku ma yeeshee colaad u toog hay” Waxay ku maahmaaheen: “dagaal gondahaaguu ka dhashaa.” Waxay ina tusaysaa sida fudud ee dagaalku uga dhex dhici jirey bulshadda Soomaliyeed.

Dhaqanka Soomaalidu waxa uu ceeb u yaqanaa ashkatadda iyo inuu qofku cawdo, waxa uuna ku oranaya ruuxa Soomaaliga ahi “miyaan ka baqayaa.” Waa dhaqan aan kala sooci kareyn ashkatada iyo baqdinta, waa dhaqan xooggu yahay shayga kaliya ee laysku qiimeeyo tixgalintana leh, tusaale waxaad maqashay maahmaah oranaysan; “buur ahaw ama buur ku tiir sanow” ama “Gobonnimo xoogga ayey saarrayd, xoog la’aantii waa lagu gumoomayaa.” Waa dhaqan lamidda midka ka jira kaynta, oo kaynta waxa noolaan kara uun ruuxa, awoodd leh. Waa sidan oo kale dhaqanka Soomaaliddu, qofka qabiil xoog leh ka dhashay ayaa noolaan kara, waayo? Qabiilka xooggale nidaamka dawladnimo ee Soomaliya ka jira ma qabto, tusaale ahaan; marka qof la xiro, waxa aad maqlaysaa dadku iyagoo leh, maxaa loo xirey hebel miyuusan qabiil ka dhalan, malaha qabiil yar buu ka dhasahay iwm. Hadalkan inta badan waad ka maqashay baraha bulshadda iyo goobaha ay dad weynuhu ku kulmaan, waa hadal tilmaamaya in qofka reer awood leh ka dashay uusan xeerku qaban karin. Dhaqan Soomaaligu waa mid aan sharciga tixgalin, dhiirigaliyana gacan ka hadalka iyo dagaalka waxana cadaynaya maahmaahda oranaysa; “nimaan shantaadu kaa reebin, sharci kaama reebo.”

Gunaanadkii haddii la rabo, nidaam dawladnimo oo qurux badan in uu geyigga ay Soomaali degto ka hana qaado, waa in wax ka beddel iyo dib u eegis lagu sameeyaa waxyaabaha silloon, ee ku jira dhaqanka Soomaaliyeed. Midna in la oggsoonaado waa muhiim, nidaamka qabaliga ah ee ay Soomaalidu leedahay iyo nidaamka dawladnimo ee dunida ka jira waa labbo shay oon is qaadan karin, waxana tusaale kuugu filan, dawladda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, oo wali nidaamka xisbiyadda badan (political parties system) uu yahay mid ku salaysan, hab qabiil. Waana halka horumarka Somaliland ka hana qaadi la’yahay. Sidoo kale cilmi baaris ay samaysay, xarunta akaademiyadda nabadda iyo horumarka ee ka hawl gasha geyiga Somaliland ee loo soo gaabiyo (APD), waxa ay sheegtay in dhaqanka Soomaliyeed uu yahay caqabada hortaagan horumarka dawladnimo ee Somaliland.       Ba’eenu waa dhaqankeena!.

WQ/ Abshir Maxamed Tifow

Leave A Reply

Your email address will not be published.