MARAYKANKA OO $10 MILYAN OO ABAALMARIN AH KU BIXINAYA XOGTA MADAXDA AL-SHABAAB

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee Al-shabaab.

Waaxda Arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay abaal-marin gaarsiisan $10 malyan oo Dollar ku bixinayso ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa.

Axmed Diiriye oo ahaa amiirka Al-Shabaab tan iyo bishii September 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray April 21, 2015.

Mahad Karate ayaa isna liiska lagu daray isla April 21, 2015. Mahad Karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee Al-Shabaab, wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada Al-Shabaab.

Karate ayaa sidoo kale haya qaar ka mid ah mas’uuliyadda talis ee Amniyaat, oo ah garabka sirdoonka Al-Shabaab oo mas’uul ka ah weeraro ismiidaamin ah iyo dilal ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ka mid ah.

Jehad Mostafa waa muwaadin Mareykan ah oo horey u deganaa gobolka California. Mostafa wuxuu tababare militari kasoo noqday xerooyinka tababarka Al-Shabaab. Sidoo kale waa hoggaamiyaha ajaaniibta Al-Shabaab, hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, iyo dhex-dhexaadiyaha Al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixiso.

Leave A Reply

Your email address will not be published.