Biden iyo dhigiisa China oo ka wada hadlay dejinta xiisada labada dal

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa wadahadalo toos ah oo ku saabsan Taiwan iyo Kuuriyada Waqooyi ku yeeshay kulan qaatay muddo saddex saacadood ah, kaasoo looga gol lahaa in lagu hagaajiyo calaaqaadka Mareykanka iyo Shiinaha ee xumaaday.

Labada hoggaamiye waxay ballan-qaadeen xiriir joogto ah. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona magaalada Beijing.

“Waxaan u tartami doonnaa si adag. Laakiin ma raadinayo khilaaf, waxaan eegayaa inaan tartankan u maareeyo si mas’uuliyad leh,” Biden ayaa yiri ka dib wadahadal uu la yeeshay dhigiisa Xi, xili ay ka qeyb galayeen shir madaxeedka G20 ee ka socda magaalada Bali ee dalka Indonesia.

Beijing ayaa in jasiiradda Taiwan ay u aragto in ay tahay qeyb ka tirsan Shiinaha, mana aysan meesha ka saarin in ay awood u adeegsato. Waxay si joogta ah ugu eedaysay Maraykanka sannadihii u dambeeyay inuu dhiirigelinayo madaxbannaanida Taiwan

War qoraal ah oo uu soo saaray kulankooda ka dib, Xi waxa uu Taiwan ugu yeeray “khadka cas ee ugu horreeya” oo ay tahay in aan laga tallaabin xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Shiinaha.

Biden Waxa uu sheegay in aan loo baahnayn dagaal qabow oo cusub, isla markaana uusan u malaynayn in Shiinuhu uu qorsheynayo dagaal kulul.

“Uma maleynayo inuu jiro isku day dhow oo dhanka Shiinaha uu ku doonayo inuu ku galo Taiwan,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Dhanka Kuuriyada Waqooyi, Biden waxa uu shaki ka muujiyay in Beijing ay awood ku yeelan karto barnaamijyada hubka ee Pyongyang, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu wax badan ka qaban karo ilaalinta xulafada Mareykanka ee gobolka..

“Waa inaan qaadnaa tillaabooyin gaar ah oo difaac noqon doona, loomana jeedin doono… Shiinaha, laakiin waxay noqon doontaa inaan fariin cad u dirno Kuuriyada Waqooyi, waxaan dooneynaa inaan difaacno xulafadayada.” iyo sidoo kale ciidda Maraykanka,” ayuu yiri.

Beijing waxay joojisay taxane wada hadal rasmi ah oo ay la lahayd Washington, oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada iyo wadahadalada militariga ka dib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada ee Mareykanka Nancy Pelosi ay ka careysiisay Shiinaha booqasho ay ku tagtay Taiwan bishii Ogosto.

Biden iyo Xi waxay ku heshiiyeen inay u oggolaadaan saraakiisha sare inay cusbooneysiiyaan wadahadalka cimilada, deyn cafinta iyo arrimo kale, Aqalka Cad ayaa sheegay ka dib markay hadleen.

Hadalka Xi ka dib wadahadalada waxaa ka mid ahaa digniino tilmaamaya Taiwan.

“Xallinta su’aasha Taiwan waa arrin u taal Shiinaha iyo arrimaha gudaha ee dalkeena,” ayuu yiri Xi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.