RW Xamse oo tacsi u diray dowlada iyo shacabka Turkiga ka dib qaraxii galabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay qaraxii lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xamse ayaa sheegay inuu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada ah.

Waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay, 53 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii qarax ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taalla bartamaha Istanbul.

Leave A Reply

Your email address will not be published.