Kumuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay Soomaaliya Cabdullaahi Ciise Maxamuud?

Qaaradaha Afrika iyo Aasiya waxaa bartamihii qarnigii labaatanaad ka soo baxay hoggaamiyeyaal, ururro xorriyad-doon ah, oo dalalkooda u horkacay inay gaaraan madax-bannaani dowladeed.

Cabdullaahi Ciise Maxamuud, oo ahaa Xoghayihii Guud ee Dhaqdhaqaaqii Dhallinyarada Soomaaliyeed, ee loo yiqiinnnay SYL, ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonka, ee laga bartay dunida, wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad. Haddaba, kumuu ahaa Cabdullaahi Ciise?

Wuxuu sannadkii 1922-kii ku dhashay magaalada Afgooye, oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa iska dhalay Ciise Maxamuud Bidaar oo ka soo jeeday Hobyo iyo Mareero Diini Axmed oo ka soo jeeday Caabudwaaq. Aabbihii ayaa dhintay isaga oo carruur ah, waxaana korriinshihiisa dusha saartay hooyadiis.

Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa hoggaamiye dabiici ah, oo farac u leh hoggaaminta. Wuxuu ka yimid qoys hormuud dhaqan ka dhex ahaa reerkii uu ka dhashay. Awowgiis Maxamuud Bidaar ayaa ahaa kaaba-qabiilka jilibka uu ku abtirsado.

Dalmareenkii Talyaaniga, Luigi Robecchi Bricchetti, oo sannadkii 1888-kii booqday Hobyo, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir, ku xusay inuu meel u dhow magaaladaas dhanka bariga kula kulmay nabaddoon Maxamuud Bidaar.

Buug laga qoray Cabdullaahi Ciise.

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED XAAJI INGIRIIS

Qoraalka sawirka,Buug laga qoray Cabdullaahi Ciise.

Cabdullaahi Ciise wuxuu ahaa nin waxbarashada ku dadaala; inta badanna isaga ayaa wax is bari jiray, yaraantiisii iyo illaa markii uu soo weynaaday. Dugsiga Qur’aanka wuxuu ka dhigtay magaalada Afgooye, kaddibna wuxuu waxbarashada billowga ah ka billaabay mid ka mid ah dugsiyadii hoose ee Talyaanigu ku lahaa magaalada Muqdisho, sida uu ku qoray qoraaga Smith Hepstone buuggiisa The New Africa.

Isaga oo lix iyo toban jir ah ayuu Cabdullaahi Ciise u wareegay magaalada Merka, halkaas oo uu xafiiska boostada ka shaqeeyey, intii u dhexeysay sannadihii 1939-1941.

Sannadkii 1941-kii, markii ay Ingiriisku qabsadeen koonfurta Soomaaliya (Italian Somaliland) iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya, iyagoo horey u sii haystay waqooyiga Soomaaliya (British Somaliland) iyo gobolka Soomaalida NFD ee Kenya, waxaa Cabdullaahi Ciise laga joojiyey shaqadii, taas oo ku kalliftay inuu billaabo howlo ganacsi, isagoo isaga dhex-gooshi jiray deegaannada koonfurta Soomaaliya.

Dhowr sano kaddib, isaga oo ganacsade ah, ayuu sannadkii 1944-kii wuxuu magaalada Beledweyne kaga biiray ururkii SYC, halkaas oo ay isku barteen dad magac weyn ku dhex-yeelan doona ururka SYL, sida Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Sheekh Cali Jimcaale.

Muddo yar gudahood ayuu Cabdullaahi Ciise ku dallacay, oo uu kor ugu kacay, isagoo loo doortay xubin golaha dhexe, ee ururka. Halkaas ayuu kaga mid noqday hoggaamiyeyaasha waaweynaa ee SYL, illaa markii dambe loo doortay Xoghayaheedii Guud.

Sannadkii 1947-kii, markii uu la wareegay xilka Xoghayaha Guud, wuxuu isla markiiba qeyb ka noqday is-beddelkii ka dhex-socday habsami-u-socodka iyo dib-u-qaabeynta dhaqdhaqaaqa, oo iska beddelay SYC (Somali Youth Club), iskuna beddelay SYL (Somali Youth League). Is-beddelkaas ayuu ahaa kan keenay in ahdaafka dhaqdhaqaaqu uu gaaro gobol kasta iyo goob kasta oo Soomaalidu ku nooshahay.

Wuxuu kaloo Cabdullaahi Ciise ku soo beegmay iyadoo quwadihii afarta ahaa (Faransiiska, Ingiriiska, Mareykanka iyo Ruushka) ay kaga shirayaan magaalada Paris sidii laga yeeli lahaa masiirka iyo mustaqbalka dalalkii uu gumeysan jiray Talyaaniga, kuwaas oo kala ahaa: Eritrea, Libya iyo Soomaaliya.

Wuxuu ku jiray shan xubnood oo ay SYL u soo xusheen inay go’aanka ururka hor-dhigaan wafdigii afarta quwadood ee xaqiiqo-raadinta, ee yimid magaalada Muqdisho horraantii bishii January 1948-kii.

Kaddib markii afarta quwadood ay go’aan-ka-gaarista Eritrea, Libya iyo Soomaaliya u wareejiyeen Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Cabdullaahi Ciise wuxuu u duulay Paris sannadkii 1949-kii, iyadoo ururka SYL ay si weyn uga sii amba-bixiyeen Muqdisho Wuxuu u sii gudbay London, oo ay ku sii marti-geliyeen jaaliyaddii reer Somaliland, ee ku nooleyd magaalooyinka Cardiff, Liverpool iyo London.

Cabdullaahi Ciise

XIGASHADA SAWIRKA,KEYDKA SOOMAALIYA

Cabdullaahi Ciise wuxuu London ka sii aaday Lake Success ee New York, halkaas oo uu geeyey go’aankii taariikhiga ahaa, ee shaqeyn kari waayey, ee ay SYL ku dalbatay in Soomaaliya ay dusha ka maamulaan afarta quwadood muddo labo sano ah, oo ay gadaal kaga sii dareen toban sannadood.

New York ayay ahayd ahayd meesha uu ku sii ta’kiidiyey u-doodista fekraddii Soomaali Weyn (shanta qaybood ee Soomaalidu uu u qaybiyey gumeysiga oo la hoos-keeno hal dowlad), sida ku cad qoraallada yaalla Matxafka Ingiriiska (UK National Archives), ee ay ergadii Ingiriiska ee New York u soo direen Xafiiska Arrimaha Dibadda (Foreign Office).

Dadka Soomaalida ayaa xilligaas ku luuqeyn jiray ‘ninkaas cabanaaya, caddaanka dhexdiisa, Cabdullaahi Ciise, Allow caawi’. Muddadii uu joogay New York, wuxuu Cabdullaahi Ciise la kulmay rafaad, nolol-xumo iyo dhaqaale la’aan, waxaana ku adkaatay inuu iska bixiyo hoteelkii uu deggenaa, oo la oran jiray Prince George Hotel, address-kiisu ahaa 14 East, 28th Street, New York City.

Gurmad ay markii dambe u fidiyeen jaaliyaddii reer Somaliland ee Mareykanka iyo ergadii Ingiriiska ee New York ayay ugu suura-gashay inuu sii joogo halkaas, oo howlihiisa sii wato, kagana sii qayb-galo doodihii ka dhex-socday wadammada Qaramada Midoobay, ee ku qotomay sida laga yeelayo su’aasha xorriyadda Soomaaliya, sida ka muuqata qoraallada yaalla UK National Archives.

Ka sokow ka-qaybgalkiisa fadhiyada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (oo uu in ka badan laba jeer u jeediyey khudbado), wuxuu Cabdullaahi Ciise kireystay hal saac oo uu galab walba radio yar oo ku yaalla magaalada New York kala soo hadlo dadka Soomaalida ee ku nool gobolka Geeska Afrika iyo adduunka intiisa kale.

Raadiyahaas wuxuu ka sii deyn jiray warar iyo faallooyin ku saabsan hadba meesha ay mareyso doodda ku saabsan in Talyaanigu uu kor ka xukumo Soomaaliya, oo uu maamul-dowladeed gaarsiiyo iyo in howshaas lagu wareejiyo waddan ama wadammo kale.

Afkaartiisa mintidnimada leh ayaa keentay in hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay kaga shakiso inuu xambaarsan yahay feker shuuci ah, sida ay ku qortay taariikh-yahannada Carol Anderson buuggeeda, Bourgeois Radicals: The NAACP and the Struggle for Colonial Liberation, 1941-1960.

Halganka xorriyad-doonka ah ee Cabdullaahi Ciise kuma koobneyn siyaasad oo keliya, ee waxaa ku dhex jiray mid aqoon-ku-dirir ah. Wuxuu xiriir dhow la sameystay caalimkii, qoraagii iyo taariikh-yahankii madowga Mareykanka, ee lagu magaaabi jiray William Edward Burghardt Du Bois, kaas oo u fidiyey taageero cilmiyeed ee dhanka gumeysi-diidka ah.

Cabdullaahi Ciise, wuxuu kaloo si joogto ah New York uga soo saari jiray qoraallo (ay isla qori jireen nin reer Somaliland ah, oo la oran jiray Ismaaciil Xasan), kuwaas oo ay kaga warramayaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed, qaasatan sida aan raalliga looga ahayn in Talyaanigu uu mar kale maamulo Soomaaliya iyo sida xukunka gumeysiga Ingiriiska uu u cadaadinayo SYL, oo ay isku xumaadeen wixii ka dambeeyey 1948-kii.

Qoraalladii uu sameeyey Cabdullaahi Ciise intii uu joogay New York ayaa waxaa ka mid ah laba buug oo yar yar, oo uu ugu doodayo dadyowga ku hoos jira gumeysiga, gaar ahaan Soomaalida, kuwaas oo cinwaankoodu uu yahay “United Nations to Sponsor Survival of Colonialism or United Nations to End Colonialism?” iyo “United Nations for Europe or United Nations for the World?”.

Waxay qoraalladani isugu jiraan dhaliil iyo dhalleeceyn ku qotonta sida Qaramada Midoobay ay u wajaheysay mushkiladda ku saabsan cidda xaqa u leh inay maamusho wadammadii gumeysiga ku hoos jiray.

Qoraalladaan, oo ay ku dhex jiraan farshaxannimo iyo fekrado cusub, ayaa Cabdullaahi Ciise waxay la meel dhigi doonaan mufakariintii xorriyad-doonka Afrika, sida Léopold Sédar Senghor, Félix Houphouét-Boigny, Kwame Nkrumah iyo hoggaamiyeyaashii kale ee Afrika, ee qoray qoraallada gumeysi-la-dirirka ah. Qeyb ka mid ah qoraallada uu qoray Cabdullaahi Ciise, intii uu ku sugnaa New York, ayaa waxay haddeer yaallaan goobta gaarka ah, ee wax lagu uruuriyo, ee Jaamacadda Massachusetts, qeybteeda Amherst, ee Mareykanka

Cabdullaahi Ciise

XIGASHADA SAWIRKA,KAYDKA

Bishii November 1949-kii, markii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu go’aamiyey in Talyaanigu uu Soomaaliya maamulo muddo toban sannadood ah.

Muddadaas cayimanna uu ku gaarsiiyo xorriyad taam ah iyo maamul dowladnimo ay dhisan yihiin haykalladii dowliga ahaa, ayaa Cabdullaahi Ciise, oo ka murugeysan go’aankaas, wuxuu sannad kaddib dib ugu noqday magaalada Muqdisho, oo uu ka soo maqnaa muddo dhowr sano ah.

Wuxuu u ekaa nin aan ku guuleysan ujeedkiisii ahaa inuusan Talyaanigu dib ugu soo noqon dalka.

Markii uu ku soo noqday Muqdisho ayaa khilaaf siyaasadeed, oo ka dhex-dhacay hoggaanka SYL, wuxuu kallifay in Cabdullaahi Ciise uu xanaaq kaga maqnaado kulamada ururka, illaa markii dambe lagu guuleystay in dib loo soo caro-celiyo.

Khilaafku, wuxuu ka dhashay madaxda SYL oo isku mari waayey sida loola tacaamulayo maamulka cusub ee Talyaaniga, ee la magac-baxay AFIS (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia).

Qaar ka mid ah madaxda SYL ayaa ku doodayey in AFIS aysan ka duwanayn xukunkii hore ee fashiistada Talyaaniga, ee uu Ingiriisku meesha ka saaray, halka qaar kale-na qabeen in maamulka AFIS loo arko, oo loola macaamilo si ka duwan sidaas.

Labada dhinac ee SYL waxay aakhirkii isla gaareen xaal-mastuur, waxayna ku heshiiyeen in wada-shaqeyn dhow lala yeesho maamulka AFIS, si aan loo luminin waqtiga loo xadeeyey in dowladnimo lagu gaarsiiyo Soomaaliya.

Heshiiska SYL dhexdeeda waxaa ka shaqeeyey dowladda Masar. Iyada oo laga amba-qaadayo heshiiska SYL iyo AFIS ayaa sannadkii 1954-kii waxaa la qabanqaabiyey doorashooyinkii u horreeyey ee dowladaha hoose, taas oo uu ururka SYL ku guuleystay.

Laba sannadood kaddib, sannadkii 1956-kii, ayaa haddana waxaa la qabtay doorashooyinkii xisbiyada siyaasadeed, waxaana ku guuleystay isla SYL.

Governatoorihii Talyaaniga, Enrico Anzillotti, ayaa soo jeediyey in xisbiga guuleystay uu soo xulo Ra’iisal Wasaare soo dhisa xukuumad daakhili ah, waxaana ururka SYL ay si aqlabiyad leh u soo doorteen Cabdullaahi Ciise oo 29-kii February 1956-kii noqday Ra’iisal Wasaarihii u horreeyey, ee ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna muddo gaaban gudahood ku soo magacaabay xukuumad ka koobnayd shan wasiir.

Mar kale ayaa Cabdullaahi Ciise loo soo doortay Ra’iisal Wasaare, kaddib doorashooyinkii xisbiyada ee dhacay 1959-kii, ee uu ku guuleystay isla ururka SYL.

Bishii July, sannadkii 1960-kii, markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyadda, ayaa Madaxweynihii cusbaa Aaden Cabdulle Cusmaan, wuxuu iska dhega-tiray go’aankii iyo tala-soo-jeedintii golaha dhexe ee SYL, oo Cabdullaahi Ciise si buuxda ugu soo sharraxday jagada Ra’iisal Wasaaraha.

Aaden Cabdulle ayaa ku dooday inuu is-beddel ku dhisan xeer-jajab qabiil ku soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha, taas oo baalmarsaneyd ahdaaftii ay ku dhisneyd SYL, ee lagu diiddanaa qabiilka iyo qabyaaladda, oo la dhex-geliyo nolosha bulshada iyo siyaasadda.

Waxay Soomaali iyo ajnabi badan ku ahayd arrin amakaag ah in Cabdullaahi Ciise uusan noqonin Madaxweynihii Jamhuuriyadda cusub, ama Ra’iisal Wasaaraheedii, sida ka dhacday wadammadii kale ee Afrika, ee Ra’iisal Wasaarayaasha xukunnada daakhiliga ay halkooda sii joogeen, ama u sii dallaceen Madaxweyne, sida Jomo Kenyatta, Houphouét-Boigny, Nkrumah iyo kuwo kale, sababtuna waxay ahayd iyada oo distoorkii cusbaa ee Soomaaliya, ee aan markaas la ansixin, lagu sii qoray laba arrimood:

  • In Guddoomiyaha Baarlamaanka daakhiliga uu noqonayo Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, iyo
  • In Madaxweynuhu uu noqdo da’ ahaan 40 sano jir. (Markii hore, waxay guddigii farsamada distoorku qoreen inuu Madaxweynuhu uusan ka yaraan 38 sano, laakiin markii la hor-geeyey fadhiga Golaha Baarlamaanka daaqiliga ayaa la dhex-geliyey talooyin diimeed, oo laga dhigay 40 sano jir).

Labadaas arrimood waxay caqabad ku ahaayeen in Cabdullaahi Ciise uu ku soo boodo xilka Madaxweynaha.

Waxaa intaa sii dheer, Cabdullaahi Ciise qudhiisa ayaan isku dayin inuu wax ka beddelo in distoorka loo ansixiyo siduu isagu doonayo, sida ka dhacday wadammo badan oo Afrikaan ah, oo si qasab ah wax looga beddelay distoorkooda, kuwaas oo markii dambe ay hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonkooda ahaa isku beddeleen diktaatoorro.

Cabdullaahi Ciise, oo aaminsanaa fekradda in xukun dimoqraadi ah uu beddelo kan gumeysiga, ayaa isagu iska diiday inuu fara-geliyo howlaha qorista distoorka, oo la billaabay sannadkii 1959-kii, isaga oo Ra’iisal Wasaare ah.

Xoriyaddii Soomaaliya (is-raacii Soomaaliya iyo Somaliland) kaddib wuxuu Cabdullaahi Ciise noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda (1960-1964) iyo Wasiirkii Caafimaadka (1964-1967).

July 1967 illaa April 1969 ma qaban wax xil ah ee dhanka xukuumadda, oo aan ka ahayn xildhibaan. Hase yeeshee xukuumaddii u dambeysay ee rayidka ee May 1969 illaa October 1969 ayuu ka noqday Wasiirkii Ganacsiga, illaa uu dalka ka dhacay inqilaabkii militariga.

Wuxuu billowgii hore ku jiray siyaasiyiintii loo xiray siyaasadda, waxaana xabsiga laga sii daayey 1973-kii. Sannad kaddib, 1974-kii ayaa hoggaamiyihii militariga Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdullaahi Ciise u magacaabay Safiirkii Soomaaliya ee Sweden, xilkaas oo uu hayey illaa iyo markii uu iska casilay horraantii 1983-kii.

Cabdullaahi Ciise ayaa wixii xilligaas ka dambeeyey si’ iskii ah isu geliyey howlgab, mana uusan ka qayb-gelin howlihii ka socday Yurub iyo Mareykanka xilligaas, ee looga soo horjeeday taliskii militariga, sida ay yeeleen rag isaga la waqti ahaa, sida Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Cabdullaahi Ciise wuxuu u guuray, oo markii dambe uu iska degay magaalada Roma, halkaas oo ahayd meeshii uu ka weecan jiray inuu tago xilligii uu la dirirayey gumeysigii Talyaaniga.

Sidaas oo kale ayaa hoggaamiyeyaashii xorriyad-doonka Afrika, waxay ku geeriyoodeen caasimadaha dalalkii gumeysiga ee ay la soo dirireen, sida Julius Mwalimu Nyerere oo ku dhintay London.

Intii uu siyaasadda ku dhex jiray iyo markii uu howlgabka noqdayba, wuxuu Cabdullaahi Ciise ahaa nin aad loo jecel yahay, oo ku sifoobay asluub, anshax iyo afgaabni. Wuxuu caado u lahaa inuu qabto xil kasta oo looga dhiibo dalkiisa.

Qof kasta oo ugu gala xafiiskiisa, xilligii uu madaxda ahaa, wuxuu ku salaami jiray istaag, ixtiraam awgii. Cilladdiisu waxay ahayd inuu jeclaa inuu qof walba qanciyo. Wuxuu ahaa nin markuu hadlayo hadalka soo cel-celiya, oo shig-shiga, laakiin qalbi-wanaagsan leh.

Cabdullaahi Ciise, isaga oo da’diisu ay tahay 65 sano jir, ayuu ku dhintay magaalada Roma, 11-kii March, sannadkii 1988-kii.

Meydkiisii, oo calanka Soomaaliya la soo huwiyey, ayaa laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, iyadoo sagootinta meydkiisa ay isugu soo bexeen shacab fara-badan.

Waxaa lagu aasay khabuuraha qaranka, iyadoo tacsidiisa, si wadajir ah, ay uga qayb-galeen Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Ingiriis

Leave A Reply

Your email address will not be published.