GARSOORKA DALKA EE NOQDAY SHAQAALE AMAR LA SIIYO

Burburka dowladnimada waxaa ka mid ah markii la siyaasadeeyo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla iyo hay’adaha garsoorka iyadoo natiijada laga dhexlaayo ay tahay isku-dhex yaaca garsoorka dalka maadaama xeer ama dastuur la tixgelinaayo aysan jirin.
Lacagtaan ka timid Imaraadka Carabta ((UAE) waxaa la qabtay saddex (3) sano ka hor mana dhicin in Xeer-ilaalinta ay soo gudbiso dacwo ku saabsan lacagtaan lagu muransan yahay sida ay dalka ku soo gashay, ma la baarin waqtina ma lagu lumin in muddo saddex (3) sano ah go’aan laga gaaro.
Macquul ma ahan in lacag lagu suntay (money laundaring) cadadkeeda uu dhan yahay 9.6 Million dollar in saddex sano iyo bar la sugo go’aankeeda, lagana dhigto maanta aalad siyasadeed lagu fushanaayo dano siyaasadeed ee gurracan.
Waraaqadda ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir sumadeedu ay tahay MGB/XG/47/2022 kuna taariikhaysan 29/01/2022, iyo warqadda ka soo baxday Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud summadeeda ay tahay XXIG/95/2022 kuna taariikhaysan 29/01/2022 isla maalin gudaheed, waa mid qof kastaa garan karo sida garsoorka dalka uu gacanta ugu galay Villa Soomaaliya amarkana u qaataan ama u fuliyaan sida wax loogu yeeriyo.
Garsoorka dalka marka uu galo hal gacan ee kaligi-talis ah habraacyada iyo xeerarka dalka la baalmaro waxaa hubaal ah in go’aamada maxkamadaha laga go’aamiyo hal xafiis aan laga daba hadlin, xajaaduna waxa ay noqonaysaa ugu dambayn jaantaa-rogan iyo in qof walbaa uu sharciga gacantiisa ku qaato.
Warqadaan ka soo baxday labada xafiis ee Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir dalabkeeda iyo fulinteeda ayaa hal maalin go’aan looga gaaray, laguna soo beegay socdaalka r/wasaaraha xil-haynta ku aaday Imaraadka Carabta waa mid lagu colaadinaayo laguna bahdilaayo socdaalka r/wasaaraha xil-haynta.
Go’aankaan maxkamadda Gobolka Benaadir ay gaartay waxaa lagu tilmaamaa garsoorka duurka “jungle law” midkaas aan xeerin dastuurka iyo xeerarka u yaalla dalka ama madax-banaanida garsoorka (separation of power).
Garsoorka dalka markii uu siyaasadda ku miilmo waa mid khatarteeda leh una qaab ekaanaysa in dalka uu galay hal gacan ee kaligitalisnimo ah iyo in si dadban dalka inqilaab uga dhacay (indirect coup d’etat).
Dalku wuxuu galay xaalad hubanti la’aan ah iyo jaantaa-rogan ee alloow sahal ummuuraha.
Avv. Khalif M Duale
No photo description available.

Leave A Reply

Your email address will not be published.