Xidhiidh Ma Ka Dhexeeyaa Midabka Iyo Siyaasadda

Waligaa ha u qaadan midab ama dhar isu eg oo ay koox,xisbi ama urur xidhanyihiin ama hayad dowli ahba inuu yahay wax iska Caadi ah lakiin niyadda ku hay inaan laga saari Karin in fikir siyaasadeed ka danbeeyo.

 

Waxa Caadiyan ah in dadka isku mabaadii’da dhow ay Qaataan dhar isku midab ah ama Calamo isu eg iyagoo xattaa kala jooga  dalal kala duwan taasina ay tahay is afgarasho ama Calaamad ay isku gartaan.

waxa Ciidanka loogu xidho dhar isu eg waa inay isku gartaan wakhtiga dagaalka iyo nabadaba ama xisbiyada oo kale ay u qaataan midabo ka tarjumaya inay yihiin isku fikir.

 Haddaynu ka eegno xagga baarlamaanada waddamo badan sida; Ingriiska.Maraykanka,Kanada.Australia New Zealand iyo waddamo kaloo badan Golaha wakiilada waxa lagu naqshadeeyaa sida kuraasida iyo Gogosha hoose Midabka Doogada(Green) halka aqalka Odayaasha ay ku Xardhaan midabka Casaanka(Red) tani waa dhaqan iyo Brotokool jiray Muddo dheer oo aan la bedelin.waxay muujinaysaa inay ka soo wada jeedaan Barwaaqasooranka ama dalalka la saaxiibka ah.

Haddaynu soo qaadanno qaar ka mid ah midabada iyo siyaabaha loo adeegsado waxa ka mid ah;-

Midabka Madow;  waxa loo istimaalaa inta badan Dowlad la’aanta ama (Anarchism) waa meel aanay ka jirin nidaam iyo kala danbayn,waxa kale oo ay ku badantahay maamulada Fashiistaha Matalan Talyaaniga ayaa Caan ku noqday shaadhka madowga ah sidoo kale Nazigii Jarmaka waxay lahaayeen billado madow ah Sidoo kale kooxaha jihad doonka ah sida Al shabaab.book-xaraam.Xamas iwm waxay leeyihinn Calan madow waxa kaloo jira in kooxo sida (Black Hand) koox ka jirtay waddanka Yuguslavia oo ka danbaysay dilkii Arche Duke oo ahaa ninkii sababtiisa uu ka dhacay dagaalkii 1aad ee Dunida,waxa kaloo jirta in suuqa lagu kala iibsado Hubka aan shariga ahayn la yidhaa Black market

Midabka Buluugga; ah waxa isticmaala kooxaha Midig dhexe ee xisbiga (Conservative) ee ingriiska gaar ahaan Kaadiriinta xisbinimada ku abtirsada.waxa kale oo midabka Buluugga ahi uu Calaamad u yahay Ururro badan oo Caalami ah Sida UN.EU iyo kuwo kaloo badan oon halkan lagu soo koobi Karin.waxa kaloo isticmaala  waddamo badan Calanka oo kale sida India.South Afrika.Arjentine Buerto Rico.Somalia ayaa Calankoodu yahay Buluug ama u badanyahay.

Midabka Doogga ah;Inta badan waxa qaatta midabkan dadka u dhaq dhaqaaqa deegaanka iyo duurjoogta waxa kaloo qaatta xisbiyada iyo dowladaha  Islaamiga ah.waxa kaloo loo soo qaatta mar kasta oo ay jirto barwaaqo ama laga hadlayo deegaan Nabdoon oo Barwaaqo ah.

Midabka Casaanka;waxa lagu tilmaamaa ama uu Calaamad u yahay Kooxaha Bidixda xiga Gaar ahaan qolyaha Shuuciyadda iyo Hantiwadaagga sida dalalka Ruushka.China,Kuubba kuuriyada woqooyi iwm.waxa kaloo qaatta xisbiyada Shaqaalaha.waxa kaloo loo soo qaattaa marka laga hadlayo dhiig ama dagaal.

Midabka Caddanka;Waxa uu yahay Calaamad Nabadgelyo,marka laba qolo oo isdilaysa la dhex gelayo waa Caadi in la qaatto Calan Cad  ama marka Ciidan laga awood batay is dhiibayo oo kale wuxu taagaa Calaamad Cad.

Midabka Hurdiga (Jaallaha); ah badanaa Waxa uu Calaamad u yahay Xisbiyada Liberalka

Midabka Bunniga; ah waxa istimaali jiray Nasigii Jarmalka Gaar ahaan Shaadhadhka Waxa lagu naanaysi jiray “Brown shirt” manaha kuwii shaadhka Bunniga ah lahaa.

Orange (Liimiga) Midabkan waxa dhaqan u leh Kiristanka iyo wixii ku abtirsada gaar ahaan dharka ay xidhaan iyo Calaamado badan.

Markaynu soo Ururrino waxan odhan karnaa Midab kasta oo la dooranayo ama ha ahaato madaxtooyo,Baarlamaan,Xisbi,Urur IWM waxay u baahantahay ayaynu odhan karnaa wada tashi badan si aanu wax uga soo noqon hadhow ama dadka qaar aanay u qaadan in dhan la yahay.sidoo kale midab jiray waa la beddelan karaa iyadoo loo eegayo midabka Siyaasad ahaan ku habboon.Su’aasha ah xidhiidh ma leeyihiin Siyaasadda iyo Midabku waxan filayaa inaynu wax ka fahamnay oo ay tahay Haa!!!.

Rashiid Odowaa

rashidsalan@gmail.om

063-4101213

Leave A Reply

Your email address will not be published.