Hardan siyaasadeed hor leh ayaa la saadaalinaya

 

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 280 maalmood ayaa laga joogaa xilligii qorshuhu ahaa in ay dalka ka dhacdo doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee, damaca muddo kororsiga Farmaajo, danaha shaqsiyadeed ee hoggaamiyayasha Maamullada, indha ka daawashada shacabka iyo dabaca Beesha Caalamka, ayaa horseedday dib-u-dhaca guud ahaan doorashada dalka.

Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Dowlad goboleedyada iyo Guddiga doorashada, ayaa si buuxda ugu fashilmay in hannaanka doorashadu u dhaco habkii loo qorsheeyay, taasina waxa ay suura-galisay in guuxa Mucaaradku mar kale kaco, bulshadana ugu baaqaan u diyaar garowga badbaadada dalka.

Hardan siyaasadeed oo hor leh, ayaa la saadaalinayaa inuu dalka ka dillaaco wixii ka danbeeya dhamaadka sanadka 2021, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ku guuldareysto dhameystirka doorashada baarlamaaka 11-aad ee JFS, markaas oo saaxiibbo isku duubanna saddexdii sano ee la soo dhaafay, kala gali doonaan aagag iska soo horjeeda.

Mucaaradka oo aamninsan in ay masuul ka ahaayeen in dalku ka badbaado muddo kordhin sharci darro ah, ayaa hadda ku baraarugsan in ay doorashadii gacanta u gashay koox macaash raadis ah oo aan dan ka lehayn dib-dhaceeda, waxayna Ra’iisul Wasaaraha ku eedeyn doona, inuu ku fashilmay qabashada doorasho xalaal ah oo waqti gaaban ku dhacada.

Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu ku guuldareystay inuu ka hor istaago boobkii kuraasta Aqalka sare ee Madaxda Maamulladu ku kaceen, halka uu xalaaleeyay dhicitaankii Mahadi Guuleed ku iba-furay doorashada Golaha shacabka.

Musharixiintu, waxa ay sidoo kale, ganafka galin doonaan, habka ay wax u wadaan  horjoogayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo hadda ku shirsan Garowe, waxayna dalban doonaan in MW Deni, bannaanka ka istaago maamulka doorashada, maadaama uu yahay u baratame Madaxweyne.

Musharixiinta ayaa intooda badan ka maqan dalka, waxaana la filayaan in ay todobaadkaan soo gaaraan Caasimadda, hakaas oo lagu ballansan yahay inuu ka dhaco shirweyne ay uga arrinsanayaan sidii dhidibada loogu taagi lahaa Gole Qaran oo kumeel gaar ah, kaas oo dalka gaarsiiya doorasho xor ah oo loo dhan yahay.

Daaha doorashada, wuxuu sababay hubanti la’aan ku aaddan mustaqbalka dalka, wuxuu si daran u saameeyay nolosha guud oo ganacsiga iyo amnigu ugu horreeyaan, siyaasiyiinta mucaaradka wakiillada BC iyo bulshada rayidka ayaana ku celceliyay in ka hor dhamaadka sanadka la soo gabagabeeyo doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Leave A Reply

Your email address will not be published.