DIKTATOORIYAD CUSUB MA LAGU BEDELI KARO WAR-SAXAAFADEED AAN FALCELIN LAHAYN

Dowladda hadda muddo xileedkeedu dhammaaday waxaa ay qorshaynaysay afartii sano (4) ee la soo dhaafay in dalkaan aysan doorasho ka dhicin, waxa ayna si cilmiyeeysan u dejisay qorshe loo wada jeeday oo ay ku guulaysatay, middaas oo ah in dalkaan doorasho isla oggol ah in aysan ka dhicin.

Waxaa nasiib darro ah in qorshahaas aan maanta guranayno miraheeda, dulucduna tahay in la carqaladeeyo wax kasta oo doorasho ku qabsoomi kartay si ay xilka ugu sii nagaadaan kooxda Villa Soomaaliya:

Hirgelinta qorshaha dowladda ee ku aadan in dib loo dhigo doorashada waxaa ka mid ahayd:

1. In dowladda ay la dagaalantay nidaamka federaalka ah ee shacabka Soomaaliyeed ku hishiiyay.

a) Burburinta maamulada iyo in ay madax uga dhigtay guulwadayaal aan aqoon iyo karti lahayn, gacan ku rimis iyo hayin ah, wixii loo yeeriyana aqbala.

b) Burburinta maamulkii Shariif Xasan Aadan, xasuuqii Baidoa ka dhacay iyo xiritaankii murashax Mukhtaar Rooboow walina maxkamad aan la keenin sida dastuurka dalka uu qabo.

c) Burburinta maamulkii Ahlu-sunna iyo MW Xaaf ku midaysnaayeen ee Galmudug, xasuuqii lagu weeraray Ahlu-sunna (ASWJ) laguna laayay taageerayaal badan ee ASWJ, maantana Galmudug qarka u saaran tahay in Alshabaab la wareegaan goobo badan, colaada qabiilada iyo aano qabiileedkuna uu xadka dhaafay.

d) Burburinta iyo xil-ka-qaadista labada madaxwaynayaal ee Hirshabelle, si loo helo maamul gacan ku rimis ah ee wax loo yeeriyo.

Saddexdaas maamul-goboleed burburintooda waxaa qasadka iyo muraadka Villa Soomaaliya ka lahayd wuxuu ahaa in ay ka soo xulato maamuladaas liisas xildhibaano federaal ah, si ay talada dalka dib ugu soo noqdaan, mashruuca dowlada ee boobka ahna ay sida ay tahay u fuliyaan.

2. Xayiraadda xagga diyaaradaha, cuna-qabataynta shacabka rayidka ah iyo in gobolka Gedo laga jaro Jubbaland.

3. Faragelinta maamulka Puntland iyo in lagu dhex-dagaalmo baarlamaanka Puntland.

4. Dhibistii Qalbi-dhagax iyo in ay Ururka Ogaden u aqoonsato argagixiso middaas oo kala fogaysay bulsho nabad ku wada noolayd.

5. Weerarka hoyga C. C. Shakuur, laguna laayay askartii waardiyaha u ahayd, kabahoodana lagu aasay.

6. Weerarkii guriga Senator Cabdi Qabydiid, laguna dilay askar gurigiisa waardiye ka ahaa, lana bililiqaystay hantidii guriga taalay.

7. Weerarkii lagu qaaday Guddoomiye Jawaari iyo xilka-qaadista aan dastuurka loo marin, xoog iyo jujuub lagu meel-mariyay, laguna tijaabinaayay qof kasta ee ka soo horjeedda sida dowladdu wax u wado.

8. Hor-istaagga labada madaxwayne hore in ay madaarka (airport) ka dhoofaan iyo in si ula kac ah looga jaray hagaha diyaaradda (traffic air-controller) diyaaradii ay la socdeen khatarna gashay naftooda iyagoo gar-gaar u waday Beletwayne.

9. Magaalada Muqdisho oo dhagax lagu wareejiyay lana galiyay shacabka Muqdisho xabsi kor ka furan, loona diiday ambalans (ambulances) in ay dumarka uurka leh qaadaan, shacabka oo maydka dhabarka ku qaatay, dilal qorshaysan (planned assasinations) iyo qarax joogto ah ee ka mid noqday nolol-maalmeedka reer Muqdisho.

10. Sideetan iyo afar (84) qodobo dastuuri ah oo la jabiyay wax la iska waydiiyana aysan jirin, baarlamaanka labadiisa aqal laga dhigay fadhiid, (rubber-stamp parliament) wixii la rabo loo yeeriyo fartana u taagaan mashruuc kasta ee xukuumadu keensato.

11. Hantida iyo deeqaha caalamka oo jeebka lagu shubtay, waxaa daliil u ah markii Guddoomiye ku-xigeenka bangiga dhexe ay cadaysay in 42 million oo doollar khasnadda dowladda lagala baxay, caddayn loo waayay meel ay ka baxday lacagtaas, markaa ka dib guddigii baarlamaanka ee baarayay xatooyada xoolaha dadwaynaha la kala diray, mar dambena aan la is-waydiin meel ay ka baxday lacag-taas sida cad loo xaday.

12. Shaqaalaysiinta iyo magacaabista jagooyinka sar-sare ee dowladda ha noqoto militariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee lagu saleeyay eex, qaraabo-kiil, xigto iyo xigaalo.

13. Caruurta la askakareeyay iyagoo qaan-gaar ahayn loona diray Eritrea iyo Qadar, war iyo wacaal waalidkood aysan ka hayn, lana soo tabinaayo in dagaalka Itoobiya ka qayb-qaateen, qaarkoodna ku dhinteen, waa mid lid ku ah shruucda caalamiga ah iyo midka maxalliga ah (domestic and international law) Soomaaliyana ay qayb ka tahay hishiisyadaas caalamiga ah (international covenants) u baahan in la ixtiraamo.

14. Xasuuqii lagu laayay caruur 8-10 jir ah iyo beeraaleey garbo rarato ah tuulada Bariire, Shabeelada Hoose, dowladuna ku tilmaantay argagixiso iyo caruurtooda, lagana dhadhansan karo dowladda heerka aqoontooda iyo mas’uuliyadooda ay gaarsiisan tahay.

Qodobadaas aan kor ku soo sheegay iyo xadgudubyo badan ee lid ku ah geedi-socodka dalka iyo horumarkiisa ayeey kooxda Villa Soomaaliya dalka ku hoggaamiyeen afartii sano ee talada dalka ku faladayeen, waana in la qaban-qaabiyo mudaharaadyo salmi ah ee joogto ah si dowladnimada curdunka ah loo badbaadiyo.

Ma muuqato sabab kooxda Villa Soomaaliya talada dalka ku wareejnayaan, waayo mucaaradka iyo murashixiinta u taagan talada dalka ma hayaan wadiiqooyin iyo istraatijiyad ay kula macaamili karaan shacabka iyo beesha caalamka.

Dhaqanka beesha caalamka waxaa ka mid ah in mar walba ay u jan-jeeraan qoladii markaas talada haya, waxa ayna ixtiramaan (status quo) markaas jira, haddii aysan jirin kacdoon iyo mudaharaadyo meel kasta is-qabsada ayaa beesha caalamka ahmiyadda siiyaan, si looga hor tago khal-khal siyaasadeed iyo mid amni xumo ee ka hor yimaada danahooda mandiqadda.

Hotel Jaziira ayaan fadhinayaa, war-saxaafadeed ayaan ka soo saaraya wax ma ka bedesho (staus-quo)-ha lagu jiro, diktatooriyada cabsi iyo iska-cabin looga soo horjeedo ayaa wax looga qaban karaa iyo mudaharaadyo joogto ah sida ka dhacday wadamada Masar iyo Tuunisiya, mana muuqato in wax iska bedelayaan madaxda Villa Soomaaliya haddii aan loo wada gurman badbaadinta dalka.

Murashixiin aan awood u lahayn in ay hor-kacaan ama hoggaamiyaan mudaharaadyo salmi ah ee looga soo horjeedo boobka xukumka lagu haysto, ma filaayo in berrina ay waddo fiican dalka ku hoggaamin karaan.

Murashixiinta badankood waa ku fiirsanayeen dhibka shacabka lagu haayay mudadii afarta sano ahayd ee dulmiga iyo tacadiga dalka ka socday iyo inqilaabka aamusnaa (silent coup d’etat) ee soo jiitamaayay intii muddo ah. Murashixiinta qaarkood waxa ay si cad u sheegeen “live” ah in dowladda ay taageerayaal u ahaayeen, laguna tilmaami jiray kal-kaaliyaal dambile (accomplices).

Mucaarad iyo qof kasta ee dalkaan iyo dadkaan ka naxaaya, waa in la badbaadiyo jiritaanka dowladnimada, loona turo inta yar ee la haysto, haddii kale qof walba meeshiisa ayaa dhibku ugu imaanayaa, maalin kalena waa laga wada qoow-mamayn, haddii cagliga iyo aqoonta aysan shaqayn.

Badbaada alle.

Avv. Khalif M Duale

Leave A Reply

Your email address will not be published.