Prof Buubaa “Soomaalida Geeska afrika ma kala maarmi karto”

Sabti, Febraayo, 27, 2021 (HOL)- Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo katirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani, ayaa yidhi Soomaalidu Makala maarmi karto hadii la doonayo nolol tan dhaanta.

Buubaa oo waraysi siinayay muuqbaahiyaha Eryal, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Soomaalidu aanay meel gaadhi karin hadii anay midoobin.

“Anigu waxan aaminsanahay, dadka Soomaaliyeed in anay kala tagi Karin, qoomiyadaha Geeska Afrika waxay ku soo ururaysaa in qoomiyad waliba wax wada qabsato, oo qoomiyaduhu dhexdooda heshiiyaan, oo ay khayraadka si wanagsan ula soo baxaan, sidaa darteed ama Somaliland joog ama Soomaaliya joog amba Itoobiya joog ama Jabuuti joog ama Kenya joog, Soomaalida maanta talaa hortaala, taso ah in hadii nolol tan dhaanta la doonayo, oo ay jiilasha soo socda uga shaqeeyaan, taasia waxay ku imanaysa umada Soomaaliyeed in ay wax wada qabsato”. Ayuu yidhi Buuba.

Buubaa ayaa dhinaca kale sheegay, in qolo walba maamul samaysan karto laakin ay tahay in lawada shaqeeyo oo aan lakala tagin.

“Maamuladu waa gooni, oo maamul waala samayn karaa meel ugaara, lakin danaha Geeska Afrika umada Soomaaliyeed waa mid aan kala go’aynin, oo Ilahay sidaa u a buuray, oo midna aanu mid la’aantii anay waxba u suuroobayn, anigu Hargaysan ku dhashay Awaaran ku koray Soomaaliduna waa wada sidasoo miidhan, kolkaa in aynu been isku sheegno maaha”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Buubaa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.