NISS ” Waa lala xisaabtamayaa dadka faafinaya been abuurka ka dhanka ah caafimaadka Abiy Ahmed

Talaado, Janaayo, 26, 2021 (HOL) –  Hay’adda sirdoonka Qaranka Itoobiya ee loo soo gaabiyo NISS ayaa digniin culus u dirtay dadka baraha bulshada ku faafinaya warar ay ku sheegtay kuwo been abuur ah oo ka dhan ah caafimaadka Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Hay’adda ayaa sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo arintan ku lug yeelata ama xitaa share gareysa wararka la xiriira caafimaadka Ra’iisal Wasaaraha oo dadka baraha bulshada isticmaala ay ku tilmaameen mid aan wanaagsaneyn.

NISS ayaa warka arintan ku saabsan ku tilmaamtay mid la doonayo in lagu khalkhal galiyo nabadgalyada guud ee dalka.

”Saacadan laga bilaabo looma dul qaadan doono dadka faafinaya wararka noocan ah tallaabo adag ayaana laga qaadayaa” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda.

Dhawaan ayeey aheyd markii warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed lagu beeniyay warka ku saabsan caafimaadkiisa ee dadku isla dhaxmarayo.

Inkastoo dowladda Itoobiya ay beenisay wararka la xiriira caafimaadka Ra’iisal Wasaaraha haddana lama oga waxa ka run ah faafinta noocan ah oo ay dadku ku tilmaamayaan in xaalada caafimaad ee Ra’iisal Wasaaraha liidato.

Abiy Ahmed ayaa muddo Labo Isbuuc ah lagu arkag fagaarayaasha taasoo keentay shakiga la xiriira badqabka Ra’iisal Wasaaraha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.