Xog Cusub: Caydiid oo soo Riday “Black Hawk” iyo Oakley “Gorgorka Baalashaan ka Rifeynaa”

Maanta oo kale 27 sano ka hor, ciidamo ka socday dalka Mareykanka oo Muqdisho, caasimadda Soomaaliya u joogay hawlgalka “rajo soo celin”-ta  iyo caawinta dadka iyo dalka dhibaateysan ayaa isku dayey iney qabtaan hoggaamiyihii awoodda badnaa ee USC/SNA Gen. Maxamed Faarax Caydiid, tiiyoo keentay dhimashada 18 askari oo Mareykanka iyo kun Soomaali ah.

Haddaba, Akhristeyasha Goobjoog News waxaan halkan ugu soo gudbin doonnaa xogo cusub oo maalintaasi Oktobar 3 la xiriirta oo aan ka helnay qaar ka tirsan guddigii fulinta ee USC/SNA ee goobjoogga ka ahaa wixii ka dhacay, waxaa lasoo sheekeystay qoraaga Cabdicaziz Axmed Gurbiye,

Maxaa Dhacay October 3, 1993:

Dagaal xoogan oo dad badani ku dhinteen ayaa dhacay kadib markii ciidamada Mareykanka la siiyey xog qaldan oo la xiriirtay  inuu Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo guddiga fulinta ee ururkiisa ay ku shirayaan gurigiisa, xogtaas oo beenowday markii goobta la tagay.

Waxaaa run ah in guriga Caydiid ay subaxdii ku shireen guddiga fulinta USC/SNA laakin waxaa ay ka tageen  2:00pm oo markii dambe waxaa furaha la siiyey oo galabtii ku shirayey, goobtana loogu tagay rag ka tirsan beesha Habargidir.

Mareykanka ayaa xog ku helay inuu Caydiid ku jiray, laakin sax ma noqon, waxaana dadkii la qabtay ee guriga joogay ka mid ahaa Cumar Salaad Cilmi, Cabdi Xasan Cawaale  Qeybdiid iyo Cali Baar.

Dhacdada “Black Hawk Down”: Goor galab ah abaaraha 3-da, isla October 3, 1993 waxaa xaafadda Bakaaraha, ee Howl-wadaag dhinac walba lagu arkay helicpters joog hoosa ku duulayay, oo aaryo furayey, oo askata saaran lugahoodu soo raaracaan, waxaa ay sidoo kale xabado nool ku fureen dadkii joogay agagaarka Hotel Olympic oo hadalfku ahaa, lana rumeysnaa inuu ku dhuumanayo Gen. Caydiid.

Hotelka keliya kuma ekaane waxaa ay dad ku tooganayeen inta u dhaxeysa isgoysyada Baar ubax, Black sea iyo Barkaaraha ee degmada Hawlwadaag, halka dhanka kale Caydiid iyo guddiga fulinta ama xataa wax taageero ah looguma tagin Hotelka gudahiisa, waxaa ayna xogtii aheyd Caydiid iyo raggiisa ayaa goobta ku jira sidoo kale noqotay mid been ah.

Galabtaasi, ciidamadaas sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force waxa ay dagaal la galeen dadka deegaanka oo u badnaa dalbey taageersanaa Gen. Caydiid.  Mareykanka waxaa maalintaas laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa looga dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500-1,000 ka dhinteen, halka  1,000 ka badana ka dhaawacmeen.

Natiijada dagaalkaasi, Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya  1994-kii, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Robert Bigger Oakley.

Rajo soo Celin isku Badashay Rajo Beel:

Mareykanka ayaa markii hore waxaa uu hormuud ka ahaa barnaamijka Rajo soo celinta ee qaramada midoobey ee  lagu soo farageliyey Soomaaliya si wax looga qabto dagaalkii cag-barar, laguna badbaadiyey maaliyiin Soomaali ah.

Waxaa xusid mudan in madaxweynahii Mareykanka Bush uu yimid Soomaaliya December 31, 1992, isaga oo Baydhabo gaaray January 1, 1993-dii, muddada uu joogay wuxuu uu Muqdisho iyo Baydhaba ku booqday meelaha dhibaateysan, waxaa aad loogu xusuustaa inuu lahaa wax ka qabashada “cago-bararka”, taas oo dad badan dishay, howl-galkiisa waxaa lagu helay macaawino dadka iyo dalka wada gaartay.

Markii uu Bush Soomaaliya yimid kadib 19 maalin, waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton, waxaana aad u xumaaday xiriirka hoggaamiyihii SNA  Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mareykanka, tii keentay inay isku dhacaan.

Isku Dhaca Caydiid iyo Mareykanka:

Xiriirka Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mareykanka marna ma fiicneyn, wax kalsoosnina iskuma qabin, oo Generaalka waxaa uu diidanaa faragelinta shisheeye gaar ahaan Mareykanka, oo xataa soo gelintaanka Qaramad Midoobey ee Muqdisho waa laga hoos bixiyey, oo Qaramad Midoobey waxaa ay la heshiisay beesha gacanta ku heysay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taas ayaana qaramada midoobay u saamaxday inay ka soo dajiyaan 25-kii askari ee ugu horraysay.

Arrintaas waxaa uu Caydiid u arkay in beeshaasi ay khayaantay, garabkiisana ka baxday, oo shisheeye u hiilisay, isaga oo xanaaq kula dul dhacay beeshii, Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo cid walba.

Markii dambe ee Mareykanka lagu wareejiyey hoggaanka, lana badalay hawlgalka, saraakiishii hoggaaminayey ciidamada Mareykanka waxaa ay arki waayey ninkan awoodda badan, iyaga oo ul ugu kutubaya ayaa waxaa ay talo faro ka baxday markii uu Gen. Caydiid dilay 24 askari oo baakistaaniyiin ahaa oo doonayey iney la wareegaan radio Muqdisho.

Dhacdadaasi kadib waxaa uu dhahay Robert Bigger Oakley oo ahaa safiirkii Mareykanka ee Muqdosho ” Gorgorka baalashaan ka rifaynaa”, sidaasi ayaa labo jeer Caydiid gurigiisa lagu wareeray, 70 odey hal meel lagu dilay, markii dambana ku dhacay dagaalkii dhiig badan ku daaday oo hawlgalkana soo afjaray ee 3-dii Oktobar, dunidana looga yaqaan “Black Hawk Down”.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,

Leave A Reply

Your email address will not be published.