Musharax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed oo sharaxay Barnaamijkiisa siyaasadeed

Guddoomiyaha xisbiga Sahan Cabdikariim Xuseen Guuleed oo todobaadkan la hadlay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu doonayo barnaamij dib u dhis ah oo dalka Soomaaliya ka hirgala.

Sanadkii 2017-ka, Mudane Guuleed ayaa arrimo caafimaad awgeed uga tanaasulay xilkiisii Madaxweynaha Galmudug.

Saddex sano ka dib ayuu yiri: “Waxaan rabaa inaan mideeyo Soomaalida oo dhan, Waxaan hormarinayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, waa sida kaliya ee aan ku baabi’in karno saboolnimada, shaqo ugu abuuri karno dhallinteenna, ugana hor istaagi karno dambiyada iyo argagixisanimada”. ayuu u sheegay Daily Nation.

Cabdikariim ayaa cadeeyay in uu doonayo Soomaaliya oo nabad kula noolaata dalalka dariska iyo guud ahaan caalamka.

Mudane Guuleed wuxuu horey u ahaan jirey shaqaalaha gargaarka oo uu ka ahaa agaasimaha koox samafal ah, wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga ee Soomaaliya xilligii dowladdii Xasan Sheikh Maxamuud, kadibna waxa uu noqday madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug.

“Waxaan noloshayda inteeda badan ku noolaa Soomaaliya, waxaan bartay lana shaqeeyey hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba 30-kii sano ee la soo dhaafay, Waxaan ahay tartame cusub, waana la i tijaabin karaa, ka sokow waxaan ku dhex leeyahay xiriir wanaagsan dowladda iyo maamul goboleedyada. ”

Mr Guuleed ayaa u sheegay Nation-ka inuu heysto rikoor muuqda oo ku aadan mideynta beelaha ku dagaalamaya Galmudug.

“Waxaan bartay inaadan xallin karin arrin kasta oo culeys ah haddii bulshooyinka ay kala shakiyaan, marka waxaan bilaabay barnaamijyo dib u heshiisiin oo dhexmaray Galmudug iyo Puntland, alle mahadii waan ku guuleystay”.

Tan iyo 2004-tii, markii dib u dhiska Soomaaliya uu bilaabmay dagaalladii sokeeye kadib, dadka cusubi waxay inta badan ku guuleystaan doorashooyinka, weligoodna Soomaaliya dib uma dooran Madaxweyne ay hore u dooratay, xaqiiqda ayaa ah inuusan madaxweyne hore iyo hadda midna u ahayn Soomaaliya, taa waxay siinaysaa fursado badan oo uu guul ku gaaro.

Leave A Reply

Your email address will not be published.