Prof. Yaxye Caamir “Haddii Maamul goboleedyadii dhinac ka mareen, taasi tanaasul maaha..”

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa ka jawaabay labadii qodob ee uu Madaxweyne Farmaajo sabab uga dhigay inuu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod.

Yaxye Caamir ayaa sheegay in aysan jirin wax tanaasul ah oo laga bartay Madaxweyne Farmaajo, balse waaqica jira ka hor-yimid.

“Tanaasul waa wax aad awood u leedahay oo iska dhaaftay, laakiin haddii maamul goboleedyada oo dhan ay dhinac ka mareen, taasi maaha tanaasul ee waaqica ayaa ka hor yimid, qof kasta waa ogeyd in aysan dalkan ka dhici karin doorasho qof iyo cod”ayuu yiri Yaxye Caamir.

Waxaa uu sheegay in faragelin ka timid Beesha Caalamka ay sababtay inuu dhaco shirka Muqdisho, madaxdii shirtay isu keentay, kana dalbadeen inay go’aan gaaraan, isagoo tilmaamay in aanay wax farqi ah u dhaxeynin in lagu dhex fadhiyo iyo in wax laguu yeeriyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xafladii xalay lagu soo gunaanudayay shirkii Muqdisho iyo heshiiskii doorasho ee ay Madaxda gaareen ayaa sheegay inuu u tanaasulay labo arrin darteed in aanu dalka kala tagin iyo faragelin shisheeye oo imaan laheyd.

Leave A Reply

Your email address will not be published.