CC Shakuur oo fariin u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub

 

MUQDISHOSoomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa marka hore soo dhaweeyay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, isagoona Allaah uga baryay in uu la garab galo masuuliyadda adag ee loo magacaabay.

CC Shakuur ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu ku soo aaday xaalad uu dalka ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana looga baahanyahay isku wadidda dhinacyada siyaasadda, isagoona hoosta ka xariiqay in Ra’iisul Wasaaraha heysto fursad uu ku reebi karo raad togan iyo taariikh tolmoon.

Halkaan Hoose qoraalka CC Shakuur.

Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday.

Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah.

Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay.

Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.

Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibteysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin.

s/keydmedia

Leave A Reply

Your email address will not be published.