Itoobiya oo soo saartay go’aan meesha ka saaray rajadii ay qabtay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqoonsaneyn Somaliland, islamarkaana ay taageereyso midninada Soomaaliya, hadalkaasi oo lama filaan ku noqday xukuumadda Hargeysa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Itoobiya, Ambassador Dina Mufti ayaa meesha ka saaray in dalkiisa uu aqoonsan yahay Somaliland oo tan 1991-kii raadineyso madax banaani gooni ah & ictiraaf, si ay uga go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Arrinta ku saabsan Somaliland, waxay qeyb ka tahay midowga Soomaliya, lamana aqoonsana, warka ah Itoobiya iyo dalalka ayaan aqoonsan, ma aha wax run ah.” ayuu yiri Dina Mufti.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in Itoobiya ay markasto ixtiraameyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, islamarkaana ay la macaamileyso xukuumadda Muqdisho.

“Innaga oo ka ambaqaadeynta ixtiraamka midnimada iyo qarannimada dal waxaa la dhaqannaa Soomaali mid ah, waxaan ku taageernaa in dib loosoo celiyo xisiloonida halkaas.” ayuu sii raaciyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Somaliland oo xuduud la leh Itoobiya ayaa muddo dheere xiriir dhow la laheyd Itoobiya, balse wuxuu xiriirkaas xumaaday, markii ay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay qeyb ka noqotay loolanka u dhexeeya wadamada Itoobiya iyo Masar ee ku aadan webiga Nile.

Si kastaba ha’ahaatee hadalka ka soo yeeray xukuumadda Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, xilli uu dhowaan soo shaac-baxday qorshe ay wado xukuumadda Qaahira oo rabta inay saldhig milatari ay ka dhisato magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.