Ayaan Xirsi Cali oo weerar ku qaaday ILHAAN CUMAR

Minneapolis (Caasimada Online) – Ayaan Xirsi Cali oo asalkeedu  Soomaali  yahay, kana baxday diinta Islaamka, ayaa weerar ku qaaday islamarkaana cambaareysay hadal ka soo yeeray Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka.

Ilhaan ayaa shalay goob fagaare ah ka  sheegtay in hannaanka siyaasadda  iyo kan dhaqaale ee Mareykanka u baahan yahay wax ka beddel, sababtana waxay ku sheegtay in ay dad gaar ku intifaacayaan, kuwa laga faa’iidayana aan wax mudnaan ah la siinayn, si ay taasi meesha uga baxdo Ilhaan waxay ku baaqday in wax laga beddelo nidaamkaas.

“Nidaamka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee Mareykanka ma ahan mid cadaaalad samaynaya,  wuxuu mudnaanta siiyaan kuwa gaar ah,  wax shaqo ah kuma laha qofka faa’iidaya iyo kan laga faa’iidayo wuxuu u baahan yahay wax ka beddel” ayeey tiri Ilhaan Cumar.

Ayaan Xirsi ayaa naqdisay hadalka  Ilhaan, waxaanna waraysi ay siisay Fox News ku sheegtay in Ilhaan oo ka mid ah wakiilada sharci dejinta Maraykanka in hadal nuucaas ah uu ka soo yeero ay  la yaab ku noqotay, waxaanna ay difaacday in nidaamka Mareykanka aanu u baahnayn in wax laga beddelo sida ay sheegtay Ilhaan, ee uu yahay mid damaanad qaadaya xorriyadda sinaanta iyo cadaaladda.

“Maxay ugu soo qaxday Muqdisho.? Maxay uga soo qaxday dowlad la’aan iyo fowdo.? Maxay kaga soo qaxday dulmi, oo ay Maraykanka u timid, haddana ay i doonaysaa in ay Minnesotta aad u beddesho Muqdisho” Ayeey tiri Ayaan Xirsi.

Dooddan cusub ee u dhexeysa labada gabdhood ee Soomaalida ah, ayaa waxaa gurbaankeeda si wayn u gaaracaya qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaa kuwa siyaasadda midigta  waana arrin si gaar ah ay u farxad galineysa dhinacyo kala duwan oo ay colaad siyaasadeed  kala dhexeyso Ilhaan Cumar.

Kooxaha siyaasadda midigta iyo Yahuudda ee Mareykanka ayaa beegsanaya Ilhaan Cumar, waxaana hadda muuqata inay u adeegsanayaan gabar kale oo Soomaali ah. Ilhaan ayaa cadaawad ku abuurtay siyaasaddeeda ku dhisan Yahuud naceybka.

Hoos ka daawo wareysiga Ayaan ee Fox News

Cabdishakuur Cilmi Xassan waxaad kala xiriiri kartaa E-mail:  shakuurcadde73@hotmail.co

Leave A Reply

Your email address will not be published.