Xaliimo Yarey: 13 Bilood ayaanu u Baahanahay Si aa u Qabano Doorasho.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Federaalka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) oo maanta hortegtay xildhibaanada barlamaanka Federaalka  ayaa sheegtay in doorashadu aysan waqtigeeda ku dhicin kariin.

Xaliimo Yarey ayaa xubnaha barlamaanka u soo bandhigtay labo nooc Doorasho oo lagu gali karo doorashada  federaalka,

“ Annaga oo xaqiijinayna nooca doorasho ee sharcigu qeexay, islamarkana tixraacayna howlaha muddaysan ee sharciga ku xusan, waxaan cadaynaynaa inay doorashad aku dhacaysa nooca biometricka ah ku qabsoomi karto muddo 13 Bilood ah oo ka bilaamaysa July 202 kuna eg Agus 2021” ayay tiri Xaliimo yare

Xaliimo Yare waxay sheegtay in doorashada nooca Biomeetricka ah uu u baahan yahay waqti dheeri ka ah muddadii sharcigu tilmaamay iyo Miisaaniyad lacageed oo baaxad leh

Guddoomiye Xaliimo Yareey  waxay sheegtay in 9 bilood gudahood ay ku qaban karaan doorashooyka federaalka haddii la adeegsado nooca diiwaangelinta gacanta oo ka kharash yar nooca hore ee doorashada ee sharcigu ogolyahay

“ Xaalada dalku ku jiro, iyadoo la eegayo guddigu wuxuu soo bandhigayaa nooca labaad oo lagu magacabo diiwaangelinta gacanta ee Isla maalinta codbixinta, noocan wuuxu ka duwan yahay kan sharcigu xusay waqtiga iyo karashka labadabada

SIYAASIYIIN KA HOR YIMID.

Guddoomiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa facebooga wuxuu ku sheegay inay hore u ogaayeen in guddiga doorashooyinku dalban doonaan mudo kordhin, waxaana uu guu baaqay inay iscasilaan

“naguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

HORSEEDMEDIA

Leave A Reply

Your email address will not be published.