Cumar Filish “Muqdisho waa meesha kaliya ee shanta Soomaali aysan ku dareemin in laga leeyahay” + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo boqolaal dibad-baxayaal ah kula hadlayey taalada caanka ah ee Daljirka Daahsoon ayaa u mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu soo dhwaweynayo xaqsiinta gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaana ay tahay meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed ku dareemin in laga leeyahay.

Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray in Muqdisho aysan noqon doonin H ooyo ilmaheeda ku caasisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho. ”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Ugu dambeyn go’aankii baarlamaanka ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah, kaas oo uu sheegay inuu ka dhashay codsigii madaxweyne ee Farmaajo ee mataaladda G/Banaadir.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir, kaas oo Aqalka Sare ku yeelanayo 13 kursi.

         

Leave A Reply

Your email address will not be published.