5 qodob oo lagu go’aamiyey shirkii Deni iyo Qoor Qoor

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay madaxweynayaasha labada dowlad goboleed uga socday magaalada Gaalakcyo ee gobolka Mudug.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas oo ka kooban lix qodob ayaa tilmaamaya in inta badan shirkaas looga hadlay arrimaha amniga iyo sikaashiga labada dowlad goboleed, iyadoo lagu cadeeyay in shirarka nuucaan oo kale ah ay joogto noqon doonaan.

“Labada dowladod ee Puntland iyo Galmudug waxay isku af-garteen inay iska kaashadaan, arrimaha kala ah, aminiga, xoojinta dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kalena ka wada shaqeeyaan sidii deeqaha caalamiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed, si isu dheeli tiran,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo wadajir uga soo baxay Puntland iyo Galmudug.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daraya, “Labada dowladood ee Galmudug iyo Puntland waxay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed iyo hir-gelinta nidaamka federaaalka ah, si waafaqsan dasduurka ku meel gaarka ah ee dalka.”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay shirka madaxda Galmudug iyo Puntland waxaa hambalyo loogu diray umadda Soomaaliyeed iyo tan reer Jabuuti, oo ku guda jira xuska sanad guurada maalmihii ay ka xoreebeen gumeystihii reer Yurub.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.