Dagaal dhanka Isgaarsiinta ah oo ka dhex bilowday Mareykanka iyo Shiinaha

Muqdisho-KNN-Waxaa mudooyinkan dambe cirka isku sii shareerayay dagaalka qabow ee u dhexeeya dawladaha Shiinaha iyo Mareykanka, kaas oo hadda u gudbay in ay isku weeraraan dhanka Isgaarsiinta.

Weerarkan qabow ayaa bilowday kadib markii ay shirkadda Twitter-ka ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ay hawada ka saartay ciwaanno ay leeyihiin shaqsi si gaar ah u taageera dawlada Shiinaha.

Dadkan ayaa ciwaannadooda laga saaray hawada iyagoo aan lagu wargelin, waxaan la sheegay in gaarayaan 170.000 ciwaan.

Arrinta lagu haysto ciwaannadan ayaa waxa ay tahay sida la sheegay in ay si khaldan u bixiyeen, xogo xasaasi ah, sidaa darteedna hawada looga saaray.

Sidoo kale waxaa jira dad u dhashay dalka Ruushka, oo iyaguna sidaan oo kale hawada laga saaray ciwaannadooda, isla sidan oo kalena lagu eedeeyay in ay faafiyeen warar been abuur ah iyo sidoo kale in ay bixiyeen xogo xasaasi ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.