Madaxweynaha Xaaf oo kasoo horjeestay Heshiiska Dowlada iyo Gudiga Dhismaha Galmudug

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo horjeestay qaabka ay dowlada federaalku u wajaheyso dhismaha maamulka Galmudug.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Xaaf kala noqday wakiilnimadii Wasaarada arrimaha gudaha ee Somalia, isagoo dhinaca kale ku baaqay in la iskugu yimaado shir deg deg ah oo looga hadlayo aayaha Galmudug.

Xaaf  ayaa u muuqda inuu ka baxay heshiiskii uu horey ula galay DF oo ku saabsanaa in la dhiso maamul cusub oo Galmudug ay yeelato.

Leave A Reply

Your email address will not be published.