Saciid Deni “Dowladda Federaalka Xisaab ayaa nooga maqan, annigana xisaabtan ayaa meel la fadhiyaa”

Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulan la yeeshay hal-doorka isimada magaalada Qardho ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo looga horjeedo maamulkiisa oo ka dhacay degaano ka mid ah Puntland.

Madaxwayne Deni waxaa uu sheegay in kulamaddaasi laga soo abaabulay meelo ka baxsan gayiga Puntland, islamarkaana dadweynaha si qaldan wax loogu sharaxay.

” Dowlada Federaalka ah aniga waxaan soo ahaa Wasiirkeeda Qorsheynta waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanaya laakiin xaqiiqda Waxa ay dadweynuhu maleynayaan Mashaariic mahan dowladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa geedi Socod Siyaasadeed , Dowladda wali ma caga dhigan Soomaaliya “

ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxaa uu sheegay Puntland aysan aqbali doonin in geedi socodka siyaasadeed ee dalka ay marti ka noqoto, islamarkaana wax loo meeriyo laakiin waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin la xisaabtanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa uu sheegay in lagu guuleystay in la qanciyo odayaashii ka hor yimid xukuumadiisa, oo uu sheegay in lacaggo looga soo diray meelo ka baxsan Puntland.

Leave A Reply

Your email address will not be published.