Go’aannada ka soo baxay shirkii Hobyo ee maanta soo gabogaboobay

Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir uga socday muddo laba bilood ku dhawaad ah mid ka mid ah beelaha dega dowlad goboleedka Galmudug.

Shirkaas waxa lagaga wadahadalayey nabadaynta beesha dhexdeeda iyo nabad kula noolaanshaha beelaha kale ee dariska la ah.

Shirkan ayaa yimid iyadoo uu socdo muran siyaasadeed oo ku aadan dhismaha maamul gobleedka Galmudug. Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa lagu waday in malaintii Arbacada ahayd uu ka furmo shir dib u heshiisiineed, balse shirkaasi oo ay dowladda federaalka gadaal ka riixeysay ayaa dib loo dhigay sababa lagu sheegay farsamo.

Ka qeybgalayaasha shirka Hobyo ayaa horay u dalbaday in shirkaasi dib loo dhigo.

Shirka Hobyo waxaa lagu dhisay gole ka kooban 68 xubnood oo shaqadiisu tahay hogaaminta beesha iyo ka shaqaynta nabadaynta beesha dhexdeeda iyo beelaha kale ee dariska la ah.

Golahan waxaa guddoomiyihiisa loo doortay borofisoor, Cabdiqaadir Maxamad Shirwac, oo tartan la galay Janaraal Maxamad Nuur Galaal.

Cabdiqaadir Maxamad Shirwac, oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in shaqada xilka loo doortay tahay ” ku hogaaminta barnaamijkaa isaga ah, oo xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xaq dhaqan iyo xag garsoor intaba leh.”

Siyaasadda Galmudug hal dhinac ma isugu biyo shuban kartaa?

Ahlu Sunna: Dadka Galmudug ha is difaacaan

Shirwac oo la weydiiyey bal hadda inuu qeexo xilkani waxa uu yahay, maadaama uu yahay wax ku cusub hanaanka hogaan dhaqameedka ee ay beelaha Soomaalidu lahaan jireen, ayaa waxa uu ku jawaabay ” waa ka guurkii miyiga ee magaalo la yimid, habdhaqankaas oo u baahan ku abtirsasho dhaqan magaalooyinka loo guuray ah.”

Bidix; Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac, Midig: Janaraal Galaal
Image captionBidix; Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac, Midig: Janaraal Galaal

Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac waxa kale oo uu iftiimiyey in ay wax ka jiraan hadal haynta ah in golahaa cusub hawlaha uu qaban doono ay ka mid yihiin in uu kala saari doono siyaasiyiinta beeshaa ka dhashay ee damacsan in ay isu sharaxaan oo xilal ka qabtaan xukuumadaha heer maamul goboleed iyo mid federaal ba.

Brofisoor Shirwac oo arintaa faahfaahinayaana waxa uu yidhi ” hawsha goluhu way sahlaysaa in dadku is bartaan, oo golahaasi ka talo bixiyo dadka u qalma hadii ay siyaasiyiin yihiin iyo hadday dhaqaaleyahan yihiin iyo hadday dhaqanyahan yihiin ba iyo hadii ay garsoore yihiin ba ummada u garsooraysa oo ay talo urursan ku talo bixiyaan wixii Soomaali mustaqbalka wax taraya.”

Hadba shirkaa beesha uga socday magaalada Hobyo ee maanta soo gabogaboobay ayaa waxa ka soo baxay war-murtiyeed lagu faahfaahinayey ujeedooyinkii shirkaas iyo go’aannadii lagu gaadhayna waxay u dhignaayeen sidatan:

GO’AANNADA SHIRKA NABADDA HOBYO

1. Golaha Hoggaaminta

Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG

2. Munaasabadda caleemo-saarka

Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka

  • B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo.
  • T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo.
  • J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay.

4. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed

Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya.

5. Dekedda HOBYO

Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.

Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.

Leave A Reply

Your email address will not be published.