Go’aanada ka soo baxay shirkii Hobyo ee maanta lasoo gabagabeeyey
Hobyo – Shirkii Nabadda ee Magaalada Hobto oo ay ka qeyb galeen Beelaha kala duwan ee Habargidir ayaa Maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyey, waxaana laga soo saaray dhawr qodob.
Qodobka koowaad ayaa lagu caddeeyey in Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) uu yahay gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, uuna matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha Habargidir.