The news is by your side.

Dekadda Hobyo oo loo dhisi doono qaab casri ah oo la heer ah kuwa Caalamka !!

Soomaaliya waxay u muuqataa inay dib ugu soo noqotay xeendaabkii dowladnimada, ka dib markii muddo dheer ay dhex dabaalaneysay xasilooni darro siyaasadeed, amni iyo koboc dhaqaale daciif ah.

Dhismaha dekedda Hobyo ee Maamul-Goboleedka Mudug ee dalka Soomaaliya oo aan gorgortan ganacsi, culeys dhaqaale (deyn) iyo siyaasad toona ku xirnayn, waa haddiyad qaali ah oo walaal uun laga helo.

Cabdalla Jaylani oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika ayaa yiri, “Soomaali nin gamay iyo mid galadayba kala og.”Ilaa muddo dhow ka hor, dalku mudnaan uma lahayn siyaasadda arrimaha dibedda Qadar. Taas, waxaa isbedel ku dhacay kadib markii ay kulmeen dhowr arrimood:

  • Badweynta Hindiya oo qayb muhiim ah ka noqtay maalgashiga Shiinaha ee dekedaha ganacsiga shisheeye;
  • Dowladda Federalka Soomaaliya oo mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatay khilaafaadka khaliijka; iyo
  • Siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika, oo si nuxur leh isku bedeshay.

Geeska Afrika ayaa leh 4,000 kiiloomitir oo xeeb ah oo ku taal wadooyinka ganacsiga badda, laga soo bilaabo Sudan ilaa Kenya.  Haddana, inta u dhexeysa dekedda Massawac ee Eriterea ilaa tan Mombasa ee Kenya kuma taal deked baaxad weyn , oo karti u leh inay u adeegto maraakiibta cabirkooda sii kordhayo (port hubs).

In ka badan 90 kun maraakiib ganacsi oo sidda xamuul dhan 9.84 bilyan oo tan sanadkiiba, ayaa iskaga goosha Badweynta Hindiya. Sanadba sanadka ka dambeya, shirkadaha xamuulku waxay raadinayaa inay qarashkooda dhimaan dhaqaale ahaan, taas oo baayacmushtarka maraakiibta ku riixeyso inay dhisaan maraakiib mug waaweyn.

Dhinaca kale, dhaqaalaha dalal badan oo ku yaal jiidda Badweynta Hindiya, ayaa si xawli ah u fidaaya, iyadoo maalgashatada caalamka ay si ba’an u raadinayaan fursado maalgashi cusub.

Halkaas waxaa ka soo if-baxaya, in dekeddaha dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geysan karaan, isku xirka ganacsiga caalamka dhowr sababood awgeed:

  • Sahay siinta maraakiibta badweynta isaga goosha, oo noqotey mid muhiin u ah awoodda dhoofinta iyo soo dejinta ganacsiga;
  • Inta u dhexeysa dekedda Hambantota ee Sri Lanka iyo tan Durban ee South Africa, oo aysan ku ool deked awood leh oo lagu dayactiro qalabka maraakiibta;
  • Baahida deked baaxad weyn oo casri ah, oo si sahlan u maareysa maraakiibta waaweyn, si xamuulka looga dejiyo amase loogu raro iyadoon la carqaladeyn habsami u socodka shaqada caadiga ah;
  • Soomaaliya oo leh khayraad dabiici ah, una baahan dekeddo kalluumeysi, kuwa laga dhoofiyo dareeraha (liquid) iyo waxa qalalan (dry); iyo
  • Badweynta Hindiya oo door muhiim ah ka ciyaarto tartanka quwadaha caalamka (geopolitical rivalry).

Intaas iyo in kale ayaa dhaliyay, in dekedda Hobyo loo naqshadeeyn doono loona dhisi doono, iyadoo la raacayo heerkii ugu casriyeedsan dekeddaha caalamka, si waafaqsan heerarka ugu sareeya ee dhinacyada amniga iyo ammaanka.

Ilaa sanadkii 2018ka, shirkadaha Shiinaha ayaa ka qayb qaatay dhismaha iyo hawlwadka wadar dhan 42 dekedood oo ku yaal 34 dal si qorshaha “Belt and Road Initiative,” u hirgalo (Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka Shiinaha – July 26, 2018).

Dekedda Hobyo waxaa laga filayaa faa’iido dhaqaalaha marka loo eego ribaxa ka soo laabanaya maalgelinta iyo fursadaha ganacsi ay abuureyso, iyadoo kumanaan kun qof hawlgelin doonto, kordhin doontana dakhliga canshuuraha gobolka iyo kan qaranka. Weliba marka la dhammeystiro waxay si joogta ah looga lisi doonaa dakhliga furdada ka sokow, midka adeegga dekedda ee maraakiibta caalamka.

Waxaan shaki ku jirin, in waqti aan dheereen Soomaaliya ay si weyn uga dhex muuqan doonto masraxa siyaasadda caalamka ee Badweynta Hindiya sidii ay horey u ahaan jirtay.

Allbanaadir@live.com