SHIRWEYNAHA WADATASHIGA BEESHA SACAD (WAR-MURTIYEED)

 

SHIRWEYNAHA WADATASHIGA BEESHA SACAD WAR-MURTIYEED GAALKACYO TAARIIKH 10 – 14 LUULYO 2019

Shirweynaha Wadatashiga Beesha Sacad oo socday mudadii u dhexeysey 10 – 14 Luulyo 2019, kana dhacay magaalada Gaalkacyo, ayna ka soo qayb galeen ergooyin gaaraya 300 oo isugu jirey, waxgarad, culumaa’uddiin, odayaasha dhaqanka, xildhibaanada heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed, wasiirro heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed, maamulka gobolka Mudug, mas’uuliyiin ka socotay gobolka Banaadir, siyaasiyiin, aqoonyahan, qurba-joog, haween iyo dhallinyaro. Shirweynaha Wadatashigu muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray Midnimada & Wadajirka Beesha, xaaladda siyaasadeed ee dalka, tan Dowlad Goboleedka Galmudug, Shirka Nabadda Hobyo ee beelaha Habargidir, horumarinta iyo nabadgalyada deegaannada ay Beeshu degto , waxaana gabagabadii shirweynaha ka soo baxay go’aanadan:

1. MIDNIMADA & WADAJIRKA BEESHA

Inay muqaddas tahay ilaalinta midnimada Beesha Sacad, lana xoojiyo ka wadatashiga arrimaha la xiriira xaaladda maamul, dhaqandhaqaale, siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee deegaanada ay Beeshu deggan tahay iyo maamulada ay xubinta ka tahayba, iyo sidii wadajir la isaga garabsan lahaa soo celinta sharafta iyo maqaamkii Beesha ku lahayd Galmudug iyo guud ahaan midda Soomaaliyeed.

2. XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA.

2.1. Shirweynuhu wuxuu adkeeyey ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya in ay tahay lama taabtaan,

umadda Soomaaliyeedna ay meel uga soo wada-jeestaan wax kasta oo waxyeello u geysanaya.

2.2. Shirweynuhu wuxuu walaac aad u weyn ka muujiyey xaaladda siyaasadeed iyo amni ee xilligan dalku wajahayo.

2.3. Shirweynuhu wuxuu Dawladda Federaalka iyo madaxda Dawlad Goboleedyada ugu baaqay in dalka iyo dadka ay u turaan, khilaafka soo jiitamayey ee u muddada u dhexeeyayna ay degdeg u xalliyaan ayagoo u maraya dastuurka dalka u degsan.

3. SHIRKA NABADDA HOBYO EE BEELAHA HABARGIDIR

3.1. Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir.

3.2. Beesha Sacad waxay ugu baaqeysaa beelaha kale ee Habargidir in ay ka qayb galaan Shirka Nabadda Hobyo ayagoo fulinaya balanqaadkii ay u sameeyeen Guddiga Farsamada Shirweynaha.

3.3. Shirweynaha Beesha Sacad wuxuu ugu baaqayaa Beelaha Habargidir in ay Shirka Nabadda Hobyo dhexdiisa ku xalistaan kala aragti duwanashahooda ku saabsan habka iyo hanaanka loo marayo dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, guud ahaanna aragti midaysan ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda dalka.

4. XAALADDA DAWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG

4.1. Shirweynuhu wuxuu dareen weyn ka muujiyey xaaladda dawlad goboleedka Galmudug ay ku sugan tahay waqtigan iyo khilaafaadka ka dhexjira maamulka iyo beelaha Galmudug ee keenay in ay wiiqanto awooddii Dawlad Goboleedka GM, taasoo u baahan in lagu xalliyo isfaham iyo wada xaajood horseeda Galmudug midaysan.

4.2. Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in nidaamka xukun ee dalku qaatay uu yahay federaal ayna yihiin dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaamiyo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada sida uu xeerinayo qodobka 120aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Dalka, wax faragelin ahna aysan 2 ku lahayn hay’ad ka mid ah kuwa Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayadoo shirweynuhu adkeeyey in la dhowro dastuurka dalka u degsan.

4.3. Shirweynahu wuxuu Isla qaatay si loo dheelitiro awood qaybsiga maamulka Galmudug in saldhig looga dhigo labada gobol ee uu ka kooban yahay ee Mudug & Galgaduud.

4.4. Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018.

4.5. Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay.

4.6. In degmooynika Maamul Gobaleedka Galmudug laga hirgaliyo doorashooyin daahfuran oo qof iyo cod ah si loo soo doorto maamullo degmooyin iyo golayaal deegaan oo heysta kalsoonida dadkooda.

4.7. In dastuurka Galmudug dib u eegis lagu sameeyo, si Galmudug ay u yeelato Dastuur dhammaystiran oo mid ah waafaqsanna rabitaanka beelaha Galmudug.

5. HORUMARINTA

5.1. Shirweyuhu wuxuu soo dhaweyneynaa dardargelinta qorshaha lagu dhisayo dekedda Hobyo ee bishii Janaayo 2018 uu madaxweynaha JFS uu dhagax dhigay, Raysulwasaaruhuna uu dhowr goor booqashooyin la xiriira arrintaas ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo ballanqaaday dhismaheeda, maadaama mashaariicdii kale ee la mataanaysneyd la bilaabay hirgalintooda, ayadoo loogu baaqay ganacsatada Galmudug iyo 3 dadka kalee Soomaaliyeed ee daneeynaya ay ka qayb qaataan maal-gashigeeda.

5.2. Shirweynuhu wuxuu bogaadiyey hab-sami u socodka Mashruuca Dhismaha waddada Hobyo/Gaalkacyo ee guddiga GOB oo meel wanaagsan maraya waxaana lagu ammaanay dedaalkooda iyo kartidooda, looguna baaqay dhammaan bulshada, jaaliyadaha dibadda iyo ganacsatadu in ay ka wada qayb qaataan dhammaystirka mashruucaas wax ku oolka ah.

5.3. In la hormariyo dhammaan adeegyada bulsho iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaannada beeshu degto sida waddooyinka, garoomada diyaaradaha, ceelasha , goobo waxbarasho iyo caafimaadba ayadoo lala kaashanayo shacabka deegaanka, qurbo joogta, hay’adaha dawliga ah iyo kuwaan dawliga ahaynba.

5.4. Degmooyinka Gobalka Mudug ee kala ah Gaalkacyo iyo Hobyo, waxaa shirweynuhu xoojiyey codsiga degmooyinkaas ay u gudbisteen wasaaradda arrimaha gudaha ee XFS ee ah in lagu daro mashruuca horumarinta magaalooyinka ee JPLG.

5.5. In la mamnuuco si wadajir ahna looga hortago shacab ahaan, maamul ahaan iyo ciidanba xaalufinta deegaanka iyo khayraadka baddeenna. cid kasta oo ku hawllan jaridda dhirta iyo shididda dhuxusha ama kalluumaysiga sharci darrada ahna ay wajihi doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

6. NABADDA IYO CADAALADDA

6.1. In la adkeeyo nabad ku wada noolaashaha beelaha ku wada nool gobolka Mudug iyo Galgaduud oo ay beeshu wax ka deggan tahay.

6.2. In laga hortago meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo waxyeelaynaysa nabad ku wada noolaashaha beelaha deriska ah, ayadoo la bogaadiyey nabadda ka jirta magaalada Gaalkacyo ee ay ku wada nool yihiin reer Gaalkacyood iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

6.3. In la tayayeeyo, lana xoojiyo ciidamada amniga ee Gobolka ka hawlgala iyo kuwa isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Gaalkacyo.

6.4. In gobolkani uu helo qoondada & xuquuqda uu ku leeyahay ciidamada qaranka ee Dawladda Federaalka ah ay Galmudug ka diiwaan-gelineyso.

6.5. In loo aqoonsado, laguna keli yeelo ciqaabtooda dambiilayaasha geysta xadgudubyada ka dhaca deegaanadaan isla markaana la isla qaatay in lala tiigsado shareecada islaamka iyo shuruucda dalka u yaalla.

6.6. In la dhiso hey’adaha garsoorka iyo xabsi dhexe oo laga hirgaliyo magaalada Gaalkacyo–Galmudug, ayadoo lala kaashanayo hey’adaha federaalka ee hawshaas ku shaqada leh iyo cid kasta oo kale oo gacan lagu siinaysa hirgalintooda.

7. GUNAANAD

Shirweynuhu wuxuu iclaamiyey Shir kale oo lagu qabto magaalada Hobyo taariikh 20 December 2019 illaa 20 January 2020, kaasoo ku saabsan arrimaha dhaqanka beesha.

8. MAHADCELIN

Shirweynuhu wuxuu u mahaceliyey booqashadii raysulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo taageeradii uu u muujiyey shirweynihii beesha Sacad uga socday Gaalkacyo iyo sidoo kale taageeradiisii shirka nabadda Hobyo ee beelaha Habargidir. Shirweynuhu wuxuu u mahadceliyaa dadweynaha Gaalkacyo, maamulka Gobolka iyo Degmada Gaalkacyo, odayaasha dhaqanka, ururada haweenka iyo dhallinyarada, ciidamada ammaanka, ergooyinkii iyo mas’uuliyiintii ka yimid magaalada Muqdisho iyo dibadda, sida hufnaanta leh ee ay uga soo qaygaleen shirka iyo kaalinta ay ka qaateen horu socodkiisa iyo miro-dhalkiisa.

DHAMMAAD 

Leave A Reply

Your email address will not be published.