Xaflad Soo dhaweyn ah oo Gaalkacyo loogu sameeyay Xasan Kheyre iyo Wafdigiisa

Caawa waxaa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay Xaflad soo dhaweyn ah taasi oo loo qabtay Wafdiga Raisal wasaare Kheyre oo Gaalkacyo ku sugan Habeenkii labaad.

Kheyre ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Xaflada waxana uu ka hadlay Arimo dhoor ah oo kamid tahay sida bulshada Galmudug looga baahanyahay ka qeyb qaadashada dhismaha Galmudug.

Xasan Kheyre ayaa dhanka kale Bulshada Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhaweynta ay Caawa u qabteen isagoo balan qaaday in kaalintiisa uu diyaar layahay marka la eego hormarka Galmudug.

Odayaal iyo Wasiiro iyo Siyaasiyiin kala duwan ayaa Xaflad ka hadlay Waxana dhamaantood isku raaceen sida muhiim u tahay hormarka iyo isku tanaasulka.

Mudug24 Waxay Goor dhow idin soo gudbineysa Codka Xasan Kheyre uu ka jeediyay Xaflada Caawa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.