Wafdi gaaraya 100 Masuuliyiin kala duwan oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Galkacyo

Magaalada Gaalkacyo waxaa Maanta soo gaaray ku dhawaad 100 Qof oo isku jira Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somaliya iyo siyaasiyiin kala duwan.

Wafdiga oo diyaarado Qaas ah kaga dagay Garoonka Oshaco ee Galmudug ayaa lagu wadaa in ay ka Qeyb qaataan Shirweynaha Beesha Sacad Habargidir oo dhawaan ka Furmaya Gaalkacyo.

Shirka oo Furmaya 10 Bishan ayaa diirada lagu saaraya hogaan mideysan oo Beesha yeelato iyo in ay ka qeyb qaadato siyasada Dalka oo Xiligan meel adag mareysa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.