Cabdikariin Xuseen Guuleedoo ka shifay in ay socdaan Shirar qarsoodi ah iyo Gor gortan ay Madaxda

Waxaa soo baxaya xogo sheegaya in ay jiraan shirar qarsoodi ah oo u dhaxeeya Madaxda dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya si gor gortan looga galo muranka badda ee u dhaxeeya labada wadan.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay in ay jiraan xogo sheegaya in Madaxda dowlada Soomaaliya ay gor gortan ka galayaan biyaha Soomaaliya ee dowlada Kenya maranka galisay.

Mr Guuleed ayaa uga digay madaxda dowlada Soomaaliya in ay gor gortan iyo wadahadal ka galaan taako kamid ah dhulka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in ay dhooraan madax banaanida dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

Qoraal uu Cabdikariin Guuleed uga hadlay arintan ayaa u qorneyd sida tan 

Waxaa jiro xogo isi soo taraya oo tibaaxaya in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wadaan kulamo qarsoodi ah oo ay ku doonayaan inay gorqortan iyo wadahadal ka galaan qadiyadda badda ee nagala dhaxeysa dowladda aan dariska nahay ee Kenya, qadiyadaaso ah qadiyad qarameed iyo mid umadeed hortaalna Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Hadda waxaan mas,uuliinta dowladda ugu baaqeynaa ogana digeynaa in wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed, dhowraana madaxbanaanida iyo midnimada bariyeed, badeed iyo cireed ee dalka, aysanna luminin taageerada iyo kalsoonida dowladnimo ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, ayagoo garwaaqsanaya in qadiyadda badda uu ka soo gaaray madax horay ugu sinbiririxaytay ee aan ka fiirsan dhaawacyo iyo barro siyaasadeed oo madow oo ma hadho ah

 Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Leave A Reply

Your email address will not be published.