Kenya ma waxay u baahan doontaa Somaaliya, xukunka maxkamadda ICJ kaddib?

Khubaro dhinaca xuduudaha badaha ah oo ku sugan Kenya ayaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ka codsaday inay joojiso habka qallafsan ee ay ula dhaqmeyso Soomaaliya, xilli uu labada waddan u dhaxeeyo muranka salka ku haya xadka badda ee uu mid walba sheeganayo.

Kooxdan ayaa mas’uuliyiinta Kenya ugu baaqay inay nidaam diblomaasiyadeed adeegsato, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida biyaha dhinaca galbeed ee badweynta Hindiya.

Kulan ay khubaradan yeesheen oo ay Jimcadii Nairobi ku qabatay hay’adda Policy Institute ayaa lagu sheegay in haddii Kenya ay ku guul darreysato kiiska maxkamadda hor yaalla ay noqon doonto waddan aan wax bad ah lahayn, ayna dalalka Soomaaliya iyo Tanzania ka baryi doonto inay usoo fasaxaan maraakiibta ku xiranaya dekedda Mombasa.

Aqoonyahannada ka qeyb galay kulankaas ayaa isku raacay in Kenya looga baahan yahay inaysan xirin albaabada wada xaajoodka, maadaama ay taasi muhiim u noqon doonto marka uu dhaco xukunka maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, bisha Sitembar.

Khubaradan oo ka kala socday hay’adaha ka howl gala arrimaha badaha ayaa sheegay inuu wali jiro xal loo heli karo muranka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxay tusaale usoo qaateen muranka dhinaca badda ee u dhaxeeyay dalalka Shiinaha iyo Philippines, kaasoo ay maxkamadda ICJ lahaanshihiisa u xukuntay Philippines, balse labada waddan ay markii dambe wada xaajood ku dhammeysteen arrintooda.

Kheyraadka shidaalka

Khariidadda muranka badda Kenya iyo SoomaaliaLahaanshaha sawirkaICJ
Image captionKhariidadda muranka badda Kenya iyo Soomaalia

Qaban qaabada kulankan ayaa daba socotay falcelintii ay Kenya ka bixisay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku suuq geysay kheyraadka shidaalka ee ku jira badda, kaasoo ay ku bandhigtay shir 7-dii bishii Febraayo ka dhacay magaalada London.

Kenya ayaa markaas ku eedeysay Soomaaliya in shidaalka ay beecineysay qeyb ka mid ah uu ku jiro xadka badda ee ay labada dal ku muransan yihiin.

Bishii lasoo dhaafay, xukuumadda Nairobi ayaa lagu soo warramay inay dalkeeda ka celisay saddex diblomaasi oo Soomaali ah, kuwaasoo ay u diidday Visaha ama dal-ku-gal.

Somaaliya ayaa markaas kadib Iyana amar ku siisay dhammaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howl gala Kenya ee fuliya howlaha ku saabsan Soomaaliya inay u guuraan magaalada Muqdisho.

Isbuucii lasoo dhaafayna, Kenya ayaa xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ee dhinaca Laamu, kaddib markii ay soo baxeen arrimo amni darro ah.

Hase yeeshee, tallaabadaas ayaa si weyn loogu arkay inay ahayd aargoosi ka dhan ah xukuumadda Muqdisho.

Kenya miyey ku fududaatay falcelinta qallafsan?

.Lahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA KENYA
Image captionXiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo meeshii ugu xumeyd gaaray

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso.

Balse dadka ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa aaminsan in Kenya ay ku “fududaatay” go’aanka ay qaadatay marka la eego xiriirkan taariikhiga ee ka dhaxeeya labada dal.

“Kenya qalad weyn oo diblomaasiyadeed ayay gashay. Labada dal xiriir weyn oo diblomaasiyadeed ayaa ka dhaxeeya, ciidaan nabad ilaalin ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya; inay heerkaasi gaarsiiso arrinta waa Khalad diblomaasiyaadeed. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ambasadar Ciid Badal oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

.Lahaanshaha sawirkaCIID BADAL
Image captionAmbasadar Ciid Badal oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Ciid Badal ayaa sidoo kale sheegay in qaabka ugu habboon ee arrintan lagu wajihi karay ay aheyd in Kenya ay la fariisato dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa raaciyay in marka la eego dacwadda hor taalla maxakamadda, Soomaaliya lagaga gar helayo haddii ay ku caddaato arrintan ku saabsan suuq geynta shidaalka ku jira biyaha lagu muransan yahay.

“Sharci ahaan, Kenya way ku sax sanaan kartaa, sababtoo ah horay ayay Kenya ceelal shidaal oo badda ah u bixixsay. Soomaaliya way ka dacwootay oo maxkamadda caalamiga ayay tagtay, waxayna tiri Kenya waxay kusoo xad-gudubtay baddeenna oo waxay ka baareysaa shidaal, maxakamaddii way dhageysatay oo dacwadii way socotaa, haddaba haddii Soomaaliya ceelashii ay geysay London, sharciyan Kenya way sax sanaan kartaa “. Ayuu raaciyay Ciid Badal.

Xiisadda Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo hadda xaaladdu u muuqato inay meeshii ugu xumeyd gaartay.Go’aanka maxkamadda caddaaladda ee ICJ ay kasoo saareyso dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inuu soo baxo bisha Sitembar.

Haddii ay Kenya ku guul darreysato kiiskaas, waxay waayi doontaa 100 kiilo mitir oo isku wareeg ah oo ka mid ah biyaha hodanka ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee gaaska.

bbc/somali

Leave A Reply

Your email address will not be published.