DAAWO:Madaxweyne Denni oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey xafladii xalay & Waxqabadkiisa Shanta sano ee soo socota oo uu ka hadlay

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo xalay khudbad ka jeediyay xafladdii caleema saarka ayaa khudbaddiisa diirada ku saaray waxqabadka u qorshaysan in uu hirgeliyo mudada shanta sano ee la doortay.

Madaxweynaha ayaaa sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha ay kamid yihiin taaba gelinta sharciga iyo qaanuunka si loo helo hay’ado dowliya oo isu dheellitiran, dibu habaynta hay’adaha dowliga ah ee Puntland, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, xoojinta maqaamka Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo federalism-ka, ilaalinta midnimada Puntland iyo soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dib u habayn muq leh ku samayn doono dhinaca ciidamada Puntland iyo xuquuqsiintooda islamarkaasna uu mudnaan gaar ah siin doono cirib-tirka canaasiirta argagixisada ah.

Wuxuu intaasi raaciyay in uu dibu habayn balaaran ku samayn doono nidaamka Maaliyadeed ee Puntland, isagoo balanqaaday in uu la dagaalamayo aafada musuq maasuqa ee ragaadiyay hay’addaha dowliga Puntland.

Qodobada kale ee uu ballan qaaday waxaa kamid ah shaqa abuurka dhalinyarada, horumarinta arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, adeegyada dadweynaha, xuquuqda haweenka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNE DENNI

Leave A Reply

Your email address will not be published.