Prof. Yaxye Caamir oo 10 su’aal ka keenay guddigii uu magacaabay KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoonyahan ku taqasusay arimaha dhaqaalaha ayaa su’aalo ka keenay guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guddigaasi ayaa ka shaqeyn doono soo celinta hantida qaranka Soomaaliya, waxaana ku jiro wasiiro iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Qoraalka Aqoonyahanka ayaa u qornaa sidan: Hantida Qaranka. Codsi.

Adiga oo aan u qaadan Mucaaradnimo & Muxaafadnimo oo aan siyaasadeeyn iiga Jawaab su’aalahaan,si aan uga faa’iido aragtidaada.

1-Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan?

2- Haddii laga Soo bilaabayo wixii Ka dambeeyay 1991,wixii Ka horeeyay ma la xisaabinayo miyaa Sabab?

3- Sida loogu Kala baahanyay, mudnaanta Hantida la Soo celinayo maxaa cabir u ah?

4- Guddi Siyaasiyiin u baadan maxaa loogu magacaabay?

5- Hantida Qaranka Maku Jirtaa lacagta Kaashka ah ee loo baahan yahay in la Soo celiyo?

6- Gudiga wasiiradu waqti ma u hayaan, oo shaqadii loo igmaday, ma Ka soo faraxasheen?

7- Amarkaani ma Hantida Xamar ayuu Ku eg yahay Mise Gobaladana waa saameeynaa?

8- suura gal ma tahay in dad gaar ah oo fikirkooda la diidan yahay loo isticmaali Karo,in lagu handado?

10- ma tahay Waqtigii Ku haboonaa nabadgalyo ahaan?

Waad Ku mahadsan tahay jawaabtaada

Leave A Reply

Your email address will not be published.