The news is by your side.

Aasaaska ciidanka badda Itoobiya, cabsida Soomaalida iyo xuquuqda sharciga caalamigu siiyey waddamada aan baddaha lahayn (Land Locked States)

Soomaalidu waxay muddo dheer wel wel ka qabeen damac ay sheegi jireen oo ah in Itoobiya ay la wareeegi doonto qaar ka mid ah baddaha dhulka Soomaalidu degto, isagoo mar kale walaacu sii xoogeystay markii xukuumad kale oo cusub ka dhalatay Itoobiya horraantii sannadkan, iyadoo dawladda cusuhee  Itoobiya ballan qaaday inay boodhka ka jafi doonto isla markaana dib u yagleeli doonto ciidamada badda ee dalkaasi. Inta badan Soomaalidu waxay ku tuhmayaan  Itoobiya inay awood iyo cudud ahaan ka xoog badan tahay Soomaalida,isla markaana ay tahay dal weyn oo safka hore kaga jira waddamada ugu dadyowga badan Afrika.

Xeebaha dhulka Soomaalidu degto waa tan ugu dheer Afrika,waxaana marar badan lagu sheegaa inay ku duugan yihiin kheyraad badanwalow aan weli laga faa’iidaysan.

Wararka la xidhiidha la wareegida baddaha Soomaaliduleedahay, wuxu dhagaha Soomaalida gubay, xanuun gaar ahnaku reebay, ka dib markii masuul sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Itoobiya wareysi siiyey wargeys wadankooda kasoo baxa,  oo si cad ugu sheegay hadal u dhignaa sidan waa in aanu tusna adduunka saameynta aanu badda ku leenahay,waxaanu nahay  waddan weyn oo boqol milyan ka badan, ma jirto sabab aanu ugu sii jirno bad la’aan, sida waxa yidhi General Berhanu Jula oo ah taliye xigeenka ciidamada qalabka sida ee Itoobiya’’.

Taariikhda ciidamada badda Itoobiya

Ciidamada badda ee Itoobiya waxa marki ugu horeysay lala asaasay ciidamada milatariga 1950neeyadii,iyagoo ahaa laan ka mid ah ciidankaa. Waxa asaaska ciidankan iska lahaa boqorkii xilligaa xukumayey Itoobiya ee la odhan jirey ‘’Haileselassie ‘’ Inta badan Afrika waxay xilligaa ku jirtey gumeystayaashii reer galbeedka,wallow markii danbe laga hoos  saarey ciidankamilateriga Itoobiya oo laga dhigay ciidan iskii u taagan, isla markaana ka madax banaan ciidamada kale, muddo ku siman afar sanno ka dib taarikhda hore.

Waxa lagu tilmaamay waqtigaa inay Itoobiya dhisatay cudud ciidan baddeed oo qaatey koorsooyin tababaro oo ay ka heleen boqortooyadii Ingiriiska. Tababarada ciidanka badduwaxay socon jireen ilaa 52 bilood,iyadoo sannad walba la qori jirey 30 ilaa 40 arday oo ciidan cusub ah. Xarun waxa u ahaan jirtay Asmara oo hadda ah caasimada waddanka Eriteriya iyo magaalooyin badan oo dhinca Eriteriya raacay, markii danbe oo ay ka mid ahayd magaalada dekedda leh ee Masawa.

Sannado ka dib aasaaskii ciidanka badda, Itoobiya waxa lagu qiyaasay iney leedahay ilaa 3000 kun oo ciidamo badda ah oo xooggan oo dhamaantoodwada raga ah, oo ka ugu yar jiro 17 sanno. Markabkii ugu horreeyey ee ciidamadan yeeshaan waxa siiyey ciidamadabadda ee dalka Mareykanka, wallow ay ahayd deyn uu damiinka ahaa Talyaanigu. Taarikhdu waxay ahayd xilligaa 2dii Jeenaweri, 1957kii. Markabkaa waxa la odhan jiray  ‘’Zerai Deres,’’

Taariikhda ciidamada badda Itoobiya waxay soo gebo_gebowday 1993, markii dhulweynihii Itoobiya kala go’ay ee Eriteriya noqotey dal ka madaxbannaan Itoobiya inteeda kale, iyadoo magaalooyinkii baddaha lahaa dhamaantood ay raaceen dhinaca Eriteriya, Itoobiyana waxay la kowsatey loona aqoonsadey waddan aan lahayn bad xilligaa-1993kii. (Land Locked Country)

Itoobiya marka la eegayo safka kala horreynta waddamada waaweyn ee aan haddana  badaha lahayn, waxay kaga jirta kaalinta lixaad, waddamo kale oo Afrika ku yaala oo ay ka mid tahay Mali, Saambiya, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo Burundu ayaa ka mid ah waddamada aan baddaha lahayan ee qaaraddaAfrika ka tirsan.

Waa maxay u jeedka xilligan ka danbeeya asaaska ciidamada badda ee Itoobiya?

Waa mida kowaade’, Itoobiya waxay isu aragtay in aanay danteedu dhaqaale, midda siyaasadeed iyo tan ciidan ba aanay ku jirinwaqti xaadirkan ka siimaqnaashaha badda cas,oo ay u aragtamarrin biyood dhaqaaale oo weyn, isla markaana ah meesha ay u baahato iyo dhoofinayso ba usoo maraan.

Machadka Itoobiya ee lagu barto culuumta badda, wuxu walaac xooggan ka qabaa badqabka maraakiibta Itoobiya oo lagu tilmaamo inagaadhayaan 11 maraakiib ganacsi ah oo ay hadda Jabuuti xarun u tahay, ammaankoodana ay sugaan ciidamada shisheeye ee saldhigyada ku leh Jabuuti. Haddii xidhiidhka Jabuuti iyo Itoobiya mustaqbalka xumaado ama ay wax iska beddelaan, yaa damaanad qaaadi doonta ammaanka iyo badqabka maraakiibta Itoobiya? Sidaa daraadeed, Itoobiya waxay hadda diyaar u tahay helidda xal amni ee maraakiibteeda mustqabalka.

Waxay sidoo kale Itoobiya hoosta ka xariiqday, in mar kasta marrin biyoodka badda cas oo ah halka ay maanta wax u soo maraan uu yahay mid ammnigiisi jilicsan yahay, isla markaana loo baahan yahay in masuuliyadda/tirada lagu darsado hawlaha socda, iyadoo marka kasta Itoobiya maanka ku heysa danaheeda dhaqaale iyo baahida bulshoee dalkeed ka jirta.

Ugu danbeyna waxa sanadkii kasoo qalin jebiya machadka culuumta badda ee madaniga ee Itoobiya  arday lagu qiyaaso ilaa 500 oo xirfadaha maraakibta iyo sida loo maamulo la barro, lana rajeeyo in la kordhiyo tiradooda mustaqbalka oo la gaadhsiiyo ilaa 1000 arday. Markaa waxay u baahan yihiin  ciidankaasi marka ay dhameyeaan ,machadka goobo ay ka shaqo galaan isla markaana ku dhaqan geliyaan casharadii machadka ay ku barteen.

Sabaha aan sare ku xusay, waa kuwii muuqday amase ba laarkayay,wayse dhici kartaa in la arko kuwo qarsoon oo aan la ogeyn amase aan si guud hadda u muuqan, arrimo ciidan dartood.

Khubarada aqoonta u leh ciidamada baddaha, waxay hoosta ka xarriqeen, in muddo badan ay qaadan doonto yagleelida ciidamadan, iyagoo carrabka ku dhuftay in ka badan tobonaan sano inay qaadan doonto.

Waa maxay waxa la hubo hadda ee ku saabsan ciidanka badda Itoobiya?

Aragtiyuhu inkasto ay kala duwan yihiin, haddana waxa la hubaa in Itoobiya mustaqbalka dhow ay yeelan doonto ciidamo baddeed oo weliba xoog  iyo saameyn ku yeesha mandaqadda aynu ku nool nahay ee geeska Afrika. Waxasaadaashaa cadeyn u ah inaan marnaba Itoobiya joojin iskuulada iyo machadka lagu barto culuumta baddaha ee kala duwan, isla markaana ay usoo baxayaan/qalinjebiyaan dad aqoon u leh baddaha, iyadoo la ogsoon yahay inaan waddanku bad lahayn 25kii sanno ee ugu danbeeyey.

Waxay haddaba (wakhti xaadirkan) ku sugan yihiin  ciidamoItoobiya meelo badan oo dhulka ka mid ah dhulka Soomaliya, iyaga oo gala xuduuda waddanka [Somaaliya] wax xurmaha ahna aan u hayn madax-bannaanida dhuleed iyo baddeed ee Soomaliya. Way adagtahay ninka aan xurmo u heyn midda dhuleed inuu xurmo u hayo tan badda. Waxay sidoo kale Itoobiya awood iyo galangal ba u leedahay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaanay tageertaamaamulada ka Soomaaliya iyo shakhsiyo kale oo xil haya , soo qabtay ama imika doonaya inay madax noqdaan oo lagu xanto inay siyaasaddeed ku socdaan.  

Midda ugu danbaysa ee la hubaa ayaa ah in marka Itoobiya ciidamadeeda badda yagleesho, meesha u noqon doonta fadhi (Naval Base) ee ay ka duuli doonaan, kana hawl geli donaan.Waxa hubaal ah oo aan daah cidna ka saarnayn, in ciidankaa uu fadhigiisu noqon doono magaalo ka baxsan Itoobiyada maanta layaqaan ee bilaa badda ah, taaso noqon karta magaalo xeebeed ku dhereran badda cas ama badweynta Hindiya. Sababtoo ah ma jirto ujeedo ciidan baddeed u fadhiyo magaalo aan bad lahayn,oo shaqadiisa ayaan soconeyn, sifihiisa ciidannimona ma dhamaystirna ilaa uu gaadho dhul xeeb ah oo bad leh, si uu waajibkiisa shaqo u guto.

Yaa martigelin doona ciidamada badda ee Itoobiya mustaqbalka?

Xeebaha la jaarka ah Itoobiya ee markaaba maskaxdeena ku soo dhacaya waxay kala yihiin, guud ahaan xeebaha Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo kuwa Eriteriya oo dhamaantood la jaar ah Itoobiya xuduud dhuleedna ay wadagaan.

Haddaba, jawaabta su’aasha sare waxaynu hadda helnay inta ay ku wareegayso jawaabta saxda ahi, inagoo aan weli helin jawaabtii kama danbeysta ahayd ee weydiinta korku xusan, ama aan farta ku fiiqin jawaabta keliya ee saxda u muuqata. Inta aynaan ka jawaabina aan dib idiin xasuusiyo maah-maahdii Soomaalida eecaanka ahayd ‘’ Miskiin baa misko la fuulo leh’’

Xeebaha iyo magaalooyinka Soomaalida ee baddaha leh, gaar ahaan kuwa Soomoaliya iyo Somaliland ayaamarti gelin doona fadhiga ciidamada badda ee Itoobiya mustaqbalka.sabatoo ah ma muuqato sabab Eritariya ku aqbali karto ciidamada Itoobiya oo muddo dheer ay ka dhaxaysay colaadaha Afrika ugu xun kuwii soo mara, mana doonayso Eriteriya inay kusoo dhawayso ciidan Itoobiya leedahay ciidankeeda badda ama xuduudda fadhiya. Waayo?Waxay ka werwersan yihiin korodhka dadweynaha Itoobiya oo ay Eriteriya dad iyo dhul ahaan ba aad uga yar tahay.  Sidoo kale Jabuuti oo dheef badan ka hesha adeegga ay dekeddaheedu u qabtaan Itoobiya kala soo degto boqolkiiba sagaashan in ka badan alaabta u timaada/ka dhoofta Itooobiya iyo iyadoo marka hore ba hoy u ahayd maraakiibta ganacsi ee Itoobiya isla markaana ay fadhiyeen quwado kale oo xoog badan, ma muuqato sabab ay ugu soo dhoweyn karto Itoobiya dalkeeda, guud ahaan gaar ahaan baddeeda.

Waxa muuqata in xeeebaha Soomalidu degto, haddii ay yahay Somaliland iyo somaaliya ay noqon karaan meesha bartilmaamed sugan u noqota ciidmada badda ee Itoobiya.

Itoobiya waxay heshiis hor’umarinta 4 dekedood ah la gashay Soomaaliya, sannadkii hore, faahfaahinna lagama bixinheshiiskaa. Sidoo kale, Itoobiya waxay saami mar dambe loo gooyay ku leedahay dekedda Berbera oo u ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland. Inkasta oo axdiga qaramada midoobay,weliba shuruucda caalamiga ahi ba si cad u tilmaamayaan, isla markaana ilaalinayaan madax-bannaanida dhuleed oo ay soo hoos gelayso mid baddeed adduunka, haddana xoogga, dagaalka iyo khiyaamada danaha ku saleysan, waa dookhyo aan la inkiri karin oo adduun weynaha weli ka sii jira.

Xuquuqda sharciga caalamigu u daamanad qaaday,dalalka aan baddaha lahayn (Landlocked Countries).

Waa muhiim in la ogaado badda ma waxa ka faa’ideysan karaoo qudha waddamada leh,mise xataa waddamada aan baddaha laheyn ayaa xuquuq ku leh. Markaa weeyi marka aynu ogaan karno cidda innagu soo xad gudubtey iyo cidda xaqeedi sharcigu siiyey ku kooban.

Adduunku wuxu isla gaadhey heshiis ku saabsan baddaha oo loo yaqaan ‘’ Axdiga qaramada midoobey ee sharciga baddaha’’  magaciisana la yidhaahdo(UNCLOS). Heshiiskaasi wuxuu dhacay sannadku markuu ahaa  Diisambar 1982, waxaanu dhaqangalay Noofanbar 1994Waxa ka qeyb ah sharcigan 168 waddan oo ah dhamaantood ama inta badan ka tirsan yihiin jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.

Itoobiya waxay ka mid tahay waddamada saxeexay isla markaana qeybta ka ah axdigan baddaha adduunka. Inaad axdi qayb ka ahaataana macanheedu waxay tahay inaad leedahay xuquuqda ku tilmaaman axdigan, isla markaana  kusaaranyahay waajib ku tilmaaman isla sharcigan.

Axdigan ugu horreyn, wuxu u yaqaan waddamada aan baddaha lahayn (Landlocked States) wadamada aan laheyn ‘’xeeb baddeed’’ haddii aanad xeeb lahayn baddna ma lihid, waa qeexida ku tilmaan qodobka 124, ee isla xeerkan.

Axdigani badda wuxu u kala qeybinaya aagag biyood (Maritime Zones) dhowr ah, xuquuqdu waxay isla beddelysa marba  aag biyoodka la joogo.

1. Xaqa ama xorriyada ku gooshitaanka badda si nabad ah.

Waddamada aan baddaha lahayn waxay xorriyad u heystaan inay ku gooshaan, isla markaana ku socdalaan baddaha waddamada leh si nabad ah (innocent passage)  iyagooshuruud looga dhigey iney heshiis kala galaan waddankaa ay markaa baddiisa ku socdalayaan, isla markaana wuxu sharcigu faraya inay qaadaan talaabo kasta oo ay ku ilaalinayaan sharciga waddankaasi,isla markaana kaga hortgayaan sharci jabin ka dhan ah waddankaasi ay baddisa ku jiraan. Sida ku cad 125, ee isla xeerkan.

Xaqa ku gooshitaanka nabadda ahi waxay waddamada aan baddaha laheyn si siman ugula raaxaystan karaan kuwii baddaha lahaa, laakiin xaqan wuxu ku kooban yahay inta la joogo aagbiyoodka waddankiisi ee loo yaqaan (Territorial Sea)

2. Marka la joogo aag biyoodka u gaar ah dhaqaalaha (Exclusive  EconomicZone) oo  cabbirkiisu yahay 200 nautical mile, kana soo bilaabma barta ay badda ka soo bilaabanto xagga dhulka, waddamada baddaha leh iyo kuwa aan lahaynwaxay si isku mid ah ugu raaxaysanayaan xaq isku mid ah iyagoo sameysan kara ku safrid aan shuruud laheyn, ku dul duuli kara, si bilaa shuruud ah, dhigan karaxadhkaha waaweyn ee internet ama aad u adeegsan kartid cilmi baadhista. Waxay sidoo kale waddamadu si siman uga faa’ideysan karaan kheyraadka badda oo dhan, haddii ay tahay kalluumeysi,shidaal ama kheyraad kale oo markaa muhiim u ah ilaha dhaqaale oo laga heli karo aaggan.

Waxa xusid mudan inta la joogo aaggan, inaad iska iloobi doonto yaa leh aaggan, waayo waa aag biyood cid walba u furan.

3. Waxaan ku soo gebo-gebonayaa xuquuqda aag biyoodka badda calaamiga ah ee loo yaqaan (High Sea) ay ku leeyihiin waddamada aan lahayn baddaha. Aag biyoodkan waa mid u wada furan waddamada adduunka oo dhan, wuxuuna ka baxsan yahay aagbiyoodka dhaqaale, 200 nautical mile wixii ka baxsan weeyi macnaheedu Waddamadu aag biyoodkan waxay ku leeyihiin 6 xuquuqood oo waaweyn oo kala (1) Xaqa inaad sixor ah u mushaaxi kartid aaggan. (2)xaqa inaad ku rakibi kartid beebab ama xadhko cilmi baadhis ama dhaqaale kaasoo gelayo. (3) Xaqa inaad ka sameysan karto jasiirado ama goobo dalxiis oo aad adigu iska leedahay. (4) Xaqa inaad sixor ah u dul mushaaxi karto, gaar ahaan gadiidka circa ee aad leedahay. (5)Xaqa inaad si xor ah uga kalluumeysan karto, iyadoo aan cidna waxbaa ka rabin, si wafaqsan sharciga caalamiga. (6) xaqa aad u leedahay inaad ku sameysan karto cilmi baadhsiyo baddahaweynta.

qodobada sare ku xusan, waa xuquuq dhamaan sharcigu u ogol yahay waddamada aan baddaha lahayn. Shuruudda keliya ee ku xidhan waa in xuquuqahan looga faa’iideysto si waafaqsan sharciga, sababtoo ah wuxu sharcigu  reebay waxa loo yaqaan si xun u isticmaalka xuquuqda (Abuse of Right). Tusaale ahaan haddii kalluumeysigii laguu ogolaadey,waxa reeban inaan la qabsan ugxanta ama nooc ka mid ah kalluunka oo degaanka qiimo gar ahaaned u leh, markaa xaqaaqu ma gaadhsiisna inaad kuwa sharcigu reebay ku tacadid.

Mustafe Maxamuud Daahir

Mustafedahir3@gmail.com