WAA KUMA SICIID DENI MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND?

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii seddexaad ee doorashada kaga guulaystay Asad cismaan Diyaano oo kula tartmayey.

Haddaba waa kuma Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha cusub ee la doortay?

Taariikh kooban

Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada  Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000,Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).

 Waxbarashada ayuu ka soo shaqeeyay

Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka,Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii  dib ugu soo noqday degaannadii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay as’aasidda iyo yagleelidda goobaha waxbarasho ee laga hirgeliyay gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso.

Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuuna kamid ahaa as’aasayaashii hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday.

Sidoo kale mudane Deni  ayaa mar soo noqday  guddoomiyaha Jamciyaddaasi Taddamun sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay,isagoo wax ka as’aasay Dugsiyada Imaamu Nawaawi,islamarjaana soo noqday maamulihii kowaad ee  Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998-dii.

Sannadkii 1994-kii  Siciid Deni wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya,isagoo sidoo kale   Sannadkii 1996-dii noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobolladii loo yaqaanay “waqooyi Bari Soomaaliya” (Puntland)

Arrimaha Ganacsiga

Sannadidii 2002 ilaa 2012 wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga Waaberi Group—Djibouti, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni CompanyOman.

Taariikhdiisa Siyaasadeed

Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Sannadkii 2012,wuxuuna xubin ka aha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,isagoo mar ku sigtay in uu Ra’iisul wasaare noqdo,kadib markii la riday xukuumaddii Cabdiweli Sheikh Axmed oo uu ka tirsanaa.

Sannadkii 2017 mudane  Siciid Denni wuxuu ku jiray murashixiintii u tartamayay doorashadii madaxweynaha  dowladda  Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa.

Talaadada saaka 8-da Jannaayo 2019 ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano) oo helay 31-cod.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.