Tiirarki Golaha iskaashiga Maamul Gobaleyada oo mesha ka baxay Xaaf ma ka badbaadi doona Siriqda Villa somalia

Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jiray ayaa ahaa Shan Hogaamiye Awood lahaa balse ay seddex meesha ka baxeen ayna hadda kusoo hareen Labo Madaxweyne keliya.

Siriqdii ay Dhigtay Dawlada Federaalka ayaa labo meelood meel ku guuleysatay islamarkaana la sheegay in dad badan ay wax badan iska weydiinayaan kuwa kale shirqooladaas siday uga bad baadi lahaayeen.

Waxa Golaha Iskaashiga Dawlad gobolleedyada hadda kusoo haray Axmed Islaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland iyo Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha Galmudug.

Doorashadii maanta ka dhacday garowe ayaa soo af jartay qawaamuurta Siyaasadooda Mideysneyd Ee dawlada dhexe kasoo horjeeday balse Gaas guuldaradiisa ayaa soo dedajisey kala dhantaal kale oo ku dhacay Golihii quwada lahaa.

Hore Waxaa Doorashada cadaadis la saaray iskaga haray kana tegay Xafiiska Dawlad Gobolleedka Koonfur galbeed oo maalmo uharsanaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan Labo bil ka hor.

Sidaas oo kale Dawlada Dhexe ayaa waxay heshiis ka ogoleysiisay Madaxweynihii HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo fikirka Nabad iyo Nolol Qaatay kana baxay Golahaasi hadda umuuqda mid sii bur buraya.

Axmed Madoobe ayaa hadda wajahaya culeyska ugu weyn maadaama la sheegay in isaga uu yahay shakhsiga kusoo xiga ee doorashada Jubbaland Bilo kadib qabanaya.

Su,aasha is waydiinta mudan aya waxay tahay xaaf ma ka badbaadi doona siriqda villa somalia madama tiirarkii golaha iskaashiga maamul gobaledyada intooda badan ay meesha ka baxeen

madaxweyne xaaf oo hada siyaasad cakiran ay ku furan tahay aya ku jaah wareersan tilaabooyinka uu qaadi lahaa madama kooxda villa somaliya ay cadadis xooga soo saareen

ilo wareedyo lagu kalson yhy oo ka tirsan xafiiska madaxweyne xaaf aya hobyomedia.com u shegay in xaaf uu dajinayo siyaasad cusub midaas oo lagula dagalami lahaa kooxda villa somaliya blse warqad manta ka so bxdy xafiiska xaaf ee lagu tagereay madaxweynaha cusub ee puntland aya muujinaya ifilalo ah in xaaf uu doonayo in xirirka cusub ee madaxweynaha cusub ee puntaland uu hagaajiyo

h/media

Leave A Reply

Your email address will not be published.