“Dhibaatada shabaab ka weyn ee hada na heysata waa Golaha Iskaashiga” Ahmed Baasto

Kulan ay Maanta Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay Ku yeesheen Wasiiro Xildhibaano Iyo Madaxwaynaha Dhawaan ay soodoorteen

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Ee Cadaddo Kusugan ayaa Waxa ay uga Hadleen Colaadaha iyo Dilalka Ka soo cusboonaaday Qaybo Kamida Galmudug.

Axmed Maxamuud Xasan Baasto Oo shir gudoominayay Kulankaan ayaa Waxa uu ku eedeeyay Colaadaha iyo Dilalka Kasoocusboonaaday Qaybo Kamida Galmudug inay Kadambeeyaan Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ay Kumidaysanyihiin Qaar kamida Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Kajira.

Waxa uu xusay in Colaadaha Kasocda Degaano Hoostaga Balanbal Dilkii Kadhacay Hobyo iyo Dilkii askari Katirsan Milatariga Soomaaliya Loogu gaystay Cadaado ay Qayb Katahay Qodobadii ay Ku hishiiyeen Kulankoodii ay Kuyeesheen Magaalada Garoowe Ee Caasimada Maamulka putland.

Dhanka Kale Axmed Maxamud Xasan Baasto Madaxwaynaha Ay dhawaan Soodoorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Baaq nabadeed u jeediyay Beelaha Kudagaalamaya Deegaano Hoostaga Balanbale Waxa uuna sheegay in ay saacadaha soo aadan Deegaanadaasi u diri doonaa Cidamo Kala dhaxgala Beelaha Halkaasi Kudagaalamay

s/mudug24

Leave A Reply

Your email address will not be published.