Ethiopia’s Prime Minister, Abiy Ahmed addresses a news conference in his office in Addis Ababa, Ethiopia August 25, 2018. REUTERS/Kumera Gemechu/File Photo

Abiy Axmed ma wuxuu dib u soo nooleeyey qorshihii Somalia ka diiday Britain?

Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macalin Dawaar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa soo bandhigay hindise ay Great Britain ku dooneysay in ay dal mideysan uga abuurto Geeska Afrika, kaasi oo qeyb ka yihiin dhammaan dalalka hadda ku yaalla gobolka.

Qoraal uu soo dhigay twitter ayuu Faarax Macalin ku sheegay in Britain ay dooneysay  inay Soomaalida uga dhigto KABIIRKA mandiqadda Geeska Africa, hase ahaatee, ay Soomaalida xiligaas is hortaageen!

Sida uu Faarax Macallin ku soo qoray Twitter-kiisa, Britain waxa ay soo bandhigtay hindise ay ku mideyneyso isirka la’isku yiraahdo Cushetics-ka ee ay ka midka yihiin; Soomaalida, Canfarta, Oromada, Burjida, Boranta, Rendiile iyo qaar kale.

Qorshahan waxa ay Britain hindistay dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, hase ahaatee waxaa ku gacan seyray Soomaalida oo iyagu noqon lahaa hoggaamiyeyaasha, halka dalka lagu magacaabi lahaa ‘Soomaaliya”.

Waxaase ka sii yaab badan, in qowmiyadaha kale sida Oromada, Canfarta iyo Burjida ay ogolaadeen hindisahaas!

“Dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, Great Britain waxa ay hindistay aragti ah in ay abuuraan jabhuuriyad weyn oo Soomaaliya ah iyaga oo ka dhex sameenayey dhulalka Cushetic-ga ah ee Geeska Africa balse waxaa yaab ah in Oromada, Canfarta iyo IWM ay soo dhaweeyee,  laakiin Talyaanigii ayaa hoggaamiyeyaashii hore ee Soomaalida ka dhaadhiciyey in ay doortaan inta Afsoomaliga ku hadasha oo kaliya.”

Qoraalka Faarax Macallin ayaa ku soo aadaya xilli Geeska Africa siyaasaddiisu isu soo dhawaatay oo ay wadamada Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya u muuqdaan kuwo baal cusub oo nabadeed, iskaashi furay.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa imanaya ayada oo sabtidii Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne.

Hadalka Abiy ma la oran karaa waa qorshihii Soomaalida hore diideen oo dib loo soo cusbooneysiiyey.

Caasimada Online

Leave A Reply

Your email address will not be published.