Jawaabtii Cabdikariin Guuleed waxaa ay u dirtay shacab weynaha Galmudug saddexdan qodob ee xasaasiga ah

CAASIMADA ONLINE – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo axaddii ka falcelinayey hadallo uu shirka Garoowe uga socda hoggaamiyeyaasha xilalkoodu dhammaaday ee dowlad Gobolleedada ka sheegay ayaa qish weyn siiyey shacabka iyo indheer garadka Galmudug.

Guuleed waxa uu ka jawaabayey Gaas oo maamulkii Galmudug ee uu isaga madaxweynaha ka ahaa ku eedeeyey in ay hurin jireen colaadihii u dhexeeyey Garowe iyo Dhuusomareeb.

Hase ahaatee, Jawaabtii Cabdikariin Guuleed waxaa ay u dirtay shacab weynaha Galmudug saddexdan qodob ee xasaasiga ah, haddii ay wax fahamayaan.

1 – Dhagarta Cabdiweli Cali Gaas

Hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu bannaanka soo dhigay dhagarta Gaas, waxa uuna xaqiijiyey sida ay Galmudug mar walba uga dhawrsaneysay collaad ay la gasho bulsho Soomaaliyeed halka Gaas isna sheegay in Galmudug lahayd abaabulka dagaalka. Waxa uu sidoo kale tusay laba wejiilenimada Gaas, oo mar oran jiray ‘Galmudug ma aqoonsani’, maantana ku danaysanaya si uu cadaadiska ugu kordhiyo dowladda federaalka, maadaama asaga waqtigiisu dhammaad yahay.

2 – In Puntland hadda hoggaanka u hayso Galmudug

Hadalka Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa ku jirtay “Xilligii maamulkeyga, Galmudug siyaasadeeda wey u madax bannaaneyd”, – waxaa hadalkaas laga dhadhansan karaa in maanta Galmudug aysan xor ahayn oo Garoowe looga taliyo.

Xaaf iyo maamulkiisa kuma shaqeynayaan dantooda siyaasadeed. Golahan iskaashiga waxaa dhistay Cabdi Weli Gaas, oo ujeedkiisu yahay inuu kula dagalaamo dowladda dhexe, ilaa haddana ma cad wax dan ah oo Galmudug ugu jiraa. Xitaa waxaa golahan dhaqaale looga qaataa Imaaraadka Carabta, mana cadda in Galmudug wax kasoo gaaraan.

Xaaf kuma shaqeeyo tiisa, balse waa mid Cabdi Weli Gaas ku adeegtao, Puntland waxay hadda hogaanka u haysaa Galmudug.

3 – Liidnimada/Dhoohnaanta Xaaf

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu sidoo kale qishay ama caddeeyey sida Xaaf u yahay mid siyaasad ahaan aad u liita, oo aan dantiisa aqoon.

Hoggaamiyihii hore ayaa u muujiyey shacabka Galmudug in Madaxweynahooda ahayn qof kale miisana siyaasadeed oo uu noqday ‘Dhaan dambeer raacday,”- maadama uu kolba waxa ay yeeriyaan Gaas iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Maamulada isaga oo ahaan ka eegin danta Galmudug u hoggaansama.

Xaaf ma ahan nin dantiisa yaqaan, wuxuu madax ka yahay maamul beelo badan ay ku jiraan, oo uusan lahayn awood ciidan iyo mid dhaqaale, oo uu ku maamulo. Waxa uu ku daysanayaa Puntland oo ah meel ha beel u xoreysan tahay, oo sidoo kalena maamulkeedu dhisnaa 20 sano.

HIGASHO – CAASIMADAONLINE

W/Q: Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Leave A Reply

Your email address will not be published.