Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya lagu haayo cadaadis ka dhashay Khilaafka Khaliijka

Dowlada Turkiga ayaa markii ugu horeesay si cad uga hadashay saameynta Dowlada Soomaaliya ku yeelatay Khilaafka ka dhax aloosan qaar kamid ah Wadamada Khaliijka Carabta .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Soomaaliya saameyn xun ku yeelatay Khilaafka Wadamada Khaliijka, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis ka dhashay Khilaafka.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga in dowlada  Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato kana laabato go’aankii ay horey u qaadatay ee dhax dhaxaadnimada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ku baaqay in la xurmeeyo lana tixgaliyo midnimada Soomaaliya, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dalalka qaar looga faa’iideesto daruufaha iyo xaaladaha adag ee ku sugan yihiin.

Dowlada Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan kala kulmeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka kuwaa oo ku cadaadinaya Soomaaliya in ay ka laabato go’aanka dhax dhaxaadnimada xiriirkana una jarto dowlada Qadar.

Leave A Reply

Your email address will not be published.