Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Iscasilaada Jawaari

Dhuusa-mareeb-KNN-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo maalmihii dambe safar ugu maqnay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Xaaf ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxa uu warbaahinta ugu warbixiyay safarkii uu ku tagay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay in Jabuuti uu u tagay ka qeyb galka shirka halkaasi ka dhacayay, wuxuu kale uu sheegay in madaxda dalka Jabuuti iyo shirkado caalami ah uu kala hadlay dhismaha Dekada magaalada Hobyo, dhawaan la bilaabi doono dhismaheeda.

Dhankale Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa soo hadal qaaday iscasilaada Gudoomiyihii Golaha Shacabka Maxmed sheikh Cusmaan Jawaari, wuxuuna yiri Jawaari waa oday nabadoon ah, wuxuu dalka ka bad baadiyay bur bur iyo dib u dhac markale soo wajihi laa.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili maanta la shaaciyay in uu is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xili wali isaga uusan ka hadin Iscasilaadiisa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.