Ciidanka Jarmalka oo soo gabagabeeyay howlihii tababarka Milliteri ahaa ee ay Soomaaliya u joogeen

Ciidanka Jarmalka ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay howlihii tababarka Milliteri ahaa ee ay ka wadeen Soomaaliya Siddeeddii Sana ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Dalka jarmalka.

Dowladda Jarmalka ayaa Maalin ka hor sheegtay in howlaheeda tababarrada iyo la talinta xagga Ciidamada Soomaaliyeed ee ay ka wadday Soomaaliya u weecin doonto gargaarka iyo Gacan ka geysashada arrimaha Bini’aaddannimada.

Ciidamada tababarayaasha Jarmalka oo aan tiradooda la shaacin ayaa qayb ka ahaa howl-galka midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaasoo tan iyo Sanaddii 2010-kii ku sugnaa Soomaaliya, iyagoo tan iyo xilligaa  soo tababaray 5,600 oo Askari.

Isha / The Muslim Times

Leave A Reply

Your email address will not be published.