Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo amaanay qaabka loosoo dhaweeyay madaxwayne Farmaajo +...

Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo amaanay qaabka loosoo dhaweeyay madaxwayne Farmaajo + VIDEO

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed maxamed caalin oo ka hadlay safar Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku marayo degaano ka tirsan Galmudug waxana uu ku tilmaamay talaabo dowladnimo ee ka hirgashay Dalka.

Axmed maxamed caalin oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa shacabka ku nool degaanada Maamulka Galmudug kaga mahadceliyey soo dhaweyntii balaarned ay u sameyen wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Waxa u rajeyn wafdiga madaxweynaha inuu sii mari doono degaanada kale ee galmudug isla markaana uu wax badan ka ogaan doono abaaraha iyo dhibaatoyinka haysta shacabka reer galmudug oo waqti badan lasoo daala dhacay daruufo kala duwan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Galmudug

Sidoo kale Mdaaxweynihii hore ee Galmudug ayaa booqashada madaxweynaha ku tilmaamay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeyso amaanka ka jiro Galmudug isagoona shegay in dadka reer Galmudug ay diyaar u yihiin nabadeynta Gaalkacyo.