Golaha Midnimada Iyo Badbadada Galmudug oo War kasoo saaray Magaalada Cadaado..

Golaha Midnimada Iyo Badbadada Galmudug oo War kasoo saaray Magaalada Cadaado..

War ka soo Baxay Golaha Midnimada iyo Badbaadaada Maamulka Galmudug ayaa looga hadlay arimo badan oo la xariira Galmudug iyo Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Dheere) Oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn waxaa uu ka war bixiyey Qorshaha loo asaasay golahaan waxaana uu sheegey inay Asaaseen aqoon yahano reer Galmudug ah ka dib markii ay arkeen baahida loo qabo.

Golahaan ayuu sheegey inay qeyb ka qaateen isku soo dhaweynta shacabka Galmudug iyo khilaafkii madaxda Maamulka horey u soo kala dhexgalay.

Mabaadiida iyo ahdaafta Golahaan ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. In la helo Galmudug midaysan oo ku dhisan cadaalad, qaanuun iyo dawladnimo.
  2. In Bulshada Galmudug la fahamsiiyo dawaldnimada.
  3. In Bulshada loo sameeyo dibuheshiisiin dhab ah oo rabitaankooda ku timid.
  4. In Bulshada Galmudug la baro xuquuda ay leeyihiin iyo waajibaadka lagu leeyahay.
  5. In la soo celiyo kalsoonidii iyo walaaltinimadii bulshada Galmudug.
  6. In lala dagaalamo caadooyinka dawladnimada ka soo horjeeda oo waayahaan dambe la caadeeystay sida in mansabka dawladnimada lagu yimaado gadashada damiirka dadka, lunsashada hantida ummada iwm.
  7. In dhalinyarada loo carbiyo aqoonta dowladnimada si looga dhex helo hogaamiyeyaashii mustabalk
  8. 8.In la illaaliyo dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed gaarahaan Galmudug.
  9. In loo hawlgalo sidii Galmudug ay uga dhici lahayd Doorasho xor ah ( free election /one man one vote).
  10. Goluhu wuxuu u hawlgalayaa sidii lagu gaari lahaa qaran Soomaaliya oo midaysan xoogna leh.

Wasiirkii Hore Wasaarada Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Galmudug Cismaan Dheere Oo ka Hadlayey Arimaha Galmudug ayaa sheegey in Golahaan uusan mucaarad ku ahayn islamarkaana uu yahay mid isku keenid u baahan madaama ay curdun tahay oo aysan wali xididada aasan.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Wareysiga