Dekadda Gwadar ee Bakistan oo noqon rabta DUBAI da Cusub !

Dekadda Gwadar ee Bakistan oo noqon rabta DUBAI da Cusub !

GWADAR(P-TIMES)-Gwadar oo ah dekad dayacan oo ku taal gobolka Baluushta ee Bakitan ayaa haatan dunida indhaha ku wada haysa , noqotayna hadal haynta saxaafadda dunida qaarkeed labadii sano ee ugu damaysay. Dekadaan waxa ay kaabiga ku haysaa gacanka Carbeed, Koonfurta Aasiya iyo bartamaha Aasiya , oo ah saddexda gobol oo muhiim u ah ganacsiga dunida. Dawladda China ,oo saaxiib dhaw la ah Bakistaan, ayaa wajiga hore ku maal gashaynaysa dekadda Gwadar aduunyo dhan $46 billion, oo isugu jira ballaarinta dekadaha ilaa ay gaarto awoodda dekadaha Jabal Cali iyo Al-raashid ee UAE, dhismaha jidad tareemo, laamiyo, huteelo iyo kaabyaal waawayn oo dhaqaale . Waxaana ku jira mashruuca dhisamaha jidad laamiyo ah oo isku Bakistaan iyo China . China waxay doonaysaa in dekadda Gwadar dekad caalami ah oo noqota xarun ganacsi sida Dupai oo ay soo maraan badeecadaha u socda ama ka socda gobolada aan badda lahayn ee china iyo wadamada ku yaal Aasiyada dhexe sida Afghanistaan , maadaama ay noqonayso dekad uga dhaw dekadaha kale ee dunida. Waxaa la saadaalinayaa in qaabka ballaarinta dekadda u socoto ay muddo 5 sanno ah ugu bedehso dekadda Gwadar dekadda ugu wayn koonfurta Aasiya oo dhan , oo sanadkii ay awoodi doonto inay dejiso 13 milyan oo xamuul ah, ayna sanada 2030 awood u yeelan doonto inay dejiso 400 oo million oo xamuul sanadkii oo kali ah. Walwal wayn ayaa waxaa dekadaan ka qaba dalka Imaaraadka Carabta oo wadnaha farta kaga haya inay noqoto mid soo afjarta muhiimaddii dekadahooda , maadaama ganacsiga isaga goosha dunida ay kharash ahaan iyo masaafo ahaan u jabnaan doonto dekadaan cusub haddii sida la qorshaynayo loo hirgeliyo. Sidoo kale Hindiya ayaa tallaabadaan waxay ku beertay wadna fug iyada oo shaki ka qabta in xitaa ujeedooyin ciidan ay ka leeyihiin China iyo Bakistan. Hindiya waxa ay wadaa qorshe ay ku maalgelin dekad kutaal dalka Iran oo haddii maalgelin ballaaran ay hesho tartan la geli karta dekadda Gawadar ee Bakistan. Laba gooreba , dekadda Iran iyo dekadda Bakistan ee ee China iyo Bakistaan malgashan waa khasaare kusoo fool leh dekadaha UAE oo aan iyaga midna labada tallaabo war fiican u ahayn. Imaaradku waxa ay taageero dhaqaale la gaarb taaganyihiin Hindiya si bal la isugu dayo in la caraqaladeeyo qorshaha mar horeba bilawday ee dekadda Bakistan , waxaana qorshahaan kula socda Maraykan oo walwal wayn isna ka qaba awoodda dhaqaale iyo isbedel ka istiraatiijiyadeed ee China iyo Bakistaan ku keeni karaan dunida. Qadar ayaan ka maqnayn dadaalada la doonayo in lagu yagleelo dekad muhiim ah oo ay hesho Bakistan , waxaana warbixino ay qortay Aljazeera lagu sheegay inay 15% ku yaboohday maalgelinta dekadda Gwadar ee Bakistan. Sidoo kale dalka Ruushka aya u arka dekadda Bakistaan fursad wayn oo uu kaga maarmayo Dupai oo ku xiran Maraykan , wuxuuna Ruushku taageero siyaasadeed iyo mid ciidan siinayaa Bakistan si ay u fuliso mashruuca. Iskusoo wada duubaw, hardanka awoodaha Aasiya iyo Bariga dhexe oo ah marinada ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dunida ayaa u muuqda mid haatan isugu soo ururay dagaalka dekadaha , walaw Soomaaliya oo 80% ganacsiga dunida uu maro ay muuqato mid aan talo badan hayn oo aan awoodin inay awoodo waawayn sida China ugu yabooho inay dekad muhiim ah ka hirgeliso xeebaha muhiimka ee Badda cas sida Bossaso, Caluula, Barbara , Lasqoray IWM. Waxa kaliya ee la dareemayaa waa UAE doonaya inay xodoraystaan Bossaso iyo Barbara oo ka cararaya in wadamo waawayn sida China iyo Turkey ay dekadahaas ku sameeyaan maalgelin wayn oo tartan la geli karta dekadaha Jabal Cali iyo Al-rashiid, waana sababtii keentay inay Ismacil Cumar Geeli isku qabtaan inuu dekad ku wareejiyay China.

PUNTLAND TIMES