Soomaaliya Oo Ka Qeybgashay Shirka Ganacsiga Afrika Iyo Maleesiya+Sawirro

Soomaaliya Oo Ka Qeybgashay Shirka Ganacsiga Afrika Iyo Maleesiya+Sawirro

Kuala lumpur,(SONNA),,,,Shir looga hadlayay Hormarinta Ganacsiga Afrika iyo Maleeshiya oo lagu qabtay Magaalada Kual Lampur ayaa lagu soo bandhigay fikrado muhiim u ah kor u qaadista ganasiga u dhexeeya dalalka Qaaradda Afrika iyo dalka Maleeshiya.

Shir oo qabanqaabadiisa dowr wanaagsan uu ku lahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Maleeshiyada Amb Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi waxaa soomaaliya uga qeybgalay wafdi ballaaran oo usugu jira Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka, Shirkado iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo xaruntoodu tahay dalka Maleesiya.

Shirka ayaa la isku afgartay in muddo labo bil ah gudaheed lagu dijiyo Istiraariijayadda Hormarinta Ganacsiga Maleesiya iyo Afrika ee 5ta sano ee soo socota, waxaana Soomaaliya ka ciyaari doontaa dowr wanaagsan.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Maleesiya Amb Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, ayaa Shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay inay xoojiso xiriirkii ganacsi ay la laheyd malaysia, isagoo ballan qaaday in wixii manta ka dambeeya xiriir wanaagsan yeelan donaan laba dal ee Soomaaliya iyo Maleesiya.14939946_978543908918459_6978442506326141298_o-114856153_978559632250220_7817918381251984698_o-114919018_978562718916578_6628494760152940451_o-114902809_978562972249886_5383802344740880604_o-114890477_978561062250077_5510025748962646676_o-114889822_978558938916956_1983112951440352012_o-114884673_978562335583283_2615991037386778773_o-114882387_978545228918327_2772156728888228435_o-114882263_978560645583452_5629236609184178894_o-114859823_978562345583282_5974816283141137803_o-114859696_978568905582626_8122127999470958380_o-114856178_978544665585050_5246563043906154860_o-114856153_978559632250220_7817918381251984698_o-114753285_978568808915969_5224316162088121826_o-1

Ahmed Abuukar Azhari Kuala lumpur – Malaysia

SHARE 

Facebook