Micheal Keating oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug

Micheal Keating oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug

Muqdisho:–Wakiilka Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed oo ay kala saxiixdeen madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Keating ayaa labada madaxweyne maamul goboleed ku boorriyay inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo meelmarinta heshiiskaasi.

Micheal Keating ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Gaalkacyo ku amaanay sida ay ugu dadaaleen xal ka gaarista dagaalka ka dhacay Gaalkacyo.

“Tani waa tallaabo dhanka wanaagga loo qaaday” ayuu yiri Keating oo intaas sii raaciyay, “Kubadda waxay hadda cagta ugu jirtaa Gaas iyo Guleed si ay meel mariyaan ballan qaadyadii aan la fulin, iyo inay u adeegaan shacabka Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku barakaceen kumanaan qofood oo ku dhibaateysan duleeddada magaaladaasi kuwaasoo u baahan in ay dib ugu noqdaan guryahooda.