Doorashada Soomaaliya waa tallaabo horey loo qaaday

Doorashada Soomaaliya waa tallaabo horey loo qaaday

Dabcan waa laga yaabaa in aysan aheyn tii ugu wanaagsneyd oo qof walba
oo Soomaali ah uu jeclaan lahaa, laakiin waxaa hubaal in hanaankan
doorasho ee dalku yahay mid ka saameyn badan kuwii hore oo inta badan
awooda soo xulista gollaha shacabka lahaayeen oo kaliya odayaasha
dhaqanka.

Marka aan siddan leeyahay waxaa rabaa in aan is dul-taago guusha ugu
weyn oo ay  gaartay dowladda xiligan jirta oo markii loo caal-waayay
in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah daruufo jiro awgood, taa
badalkeeda qaadatay hanaan kale oo ugu yaraan dadka fursad u siinaya
in ay ka qeyb-gallaan soo xulista gollaha wakiilada dalka
(Baarlamaanka)

Hanaankan ayaa noqonaya mid 14025 [Toban iyo Afar Kun Labaatan iyo
Shan] ergo Soomaali ah soo dooranayaan golle wakiilo oo ka kooban 275
xildhibaan, iyadoo xildhibaankiiba ay u codeynayaa 51 xubnood oo laga
soo xullay beesha uu kursiga ku matalayo, si markaa ay meesha uga
baxdo isla xisaabtan la’aantii mudada dheer soo jirtay.

Guusha kale ee aan marnaba la dafiri karin ayaa ah sidda quruxda badan
ee maamul gobolleedyada dalka qaarkood u soo xuleen xubnihii ku matali
lahaa aqalka sare oo ay ku tartameen shaqsiyaad Soomaali ah oo rag iyo
dumarba leh, kuwaa oo ku kala baxay cod iyo kalsoonida baarlamaanka
dowlad gobolleedyada ay matalayaan.

Tani waa calamad kale oo muujineysa biseylka siyaasadeed ee maanta uu
dalku gaarray, in mar marka qaar ay dhici karto in wiil iyo gabar ku
tartamaan hal kursiga oo kaliya dabadeedna gabadhu ku guuleysato.

Dadka qaar ayaa qaba in doorashadani tahay mid aad u adag oo laga
yaabo in is jiid jiid badani ka yimaado, laakiin ilaa iyo hadda sidda
ay wax u socdaan ma xumo, waloow mar kasta la fillan karo khilaaf iyo
in beelluhu isku qabtaan arrimaha qaar, balse taa laftirkeeda ayaa loo
fasiri karaa baraaruga dadka ee ku aadan dowlad dhisida.

Qof ayaa ii sheegay in uu ku faraxsan yahay markii ugu horeysay in uu
cod ku yeellanayo soo xulista xubnaha ku matalaya labada aqal ee
baarlamaan ee uu dalku yeellanayo, laakiin isla qofkan ayaa dhinaca
kale wali walaac ka qaba musuq-maasuq oo ah wax inta badan laga fisho
doorashooyinka caalamka oo idil.

UN-ka, ayaa u arka tallaabadan mid ugu danbeyntii keeni karta in la gaaro
doorasho qof iyo cod ah [One Person One Vote]  marka la gaaro sanadka
2020ka.

Guud ahaan marka aad eegto gobollada dalka Soomaaliya waxaa ka
soconaya waddatashiyo iyo kulamo ay leeyihiin waxgaradka beellaha
Soomaalida, kuwaa oo ka arinsanaya soo xulista ergadii u soo dooran
laheyd xildhibaanka, waana arrin ka marqaati kaceysa ugu yaraan in
markan bulshadu wax badan ka og yihiin hanaanka doorasho ee dalka oo
wixii ka horeeyay 2012ka, ay hormuud u ahaayeen dad kooban oo siweyn
loo dhaliilsanaa.

Guddiga doorashada ayaa marar badan hore ku cel celiyay in la ilaaliyo
waqtiga iyo xiliga loo qabtay doorashada, madaama qorshuhu yahay in 30
bisha November ee nagu soo foolka leh ugu danbeyn la soo doorto
madaxweynaha, laakiin waa ay dhici kartaa in mar kale qadar kooban dib
loo dhigo doorashada.

Qasab ma’aha in muwaadinka Soomaaliyeed ku qanco sidda aan wax u
dhigay, laakiin waxaa hubaal ah in ififaalaha muuqda uu bixinayo
calaamad u eg in bulshada Soomaaliyeed la jaan-qaadayaan isbadalka
dowladnimo iyo in mar kasta lagu kala baxo Codka oo ah kan lagu gaari
karo Qaran la wadda leeyahay oo shacabku iska wadda dhax arki karo.

Ugu danbeyntii, arinta  sidda weyn isha loogu wadda hayo ayaa ah nooca
baarlamaan ee la filan karo iyo muuqaalka uu yeellanayo madaama ay
tahay markii ugu horeysay in xildhibaan walba oo baarlamaanka ka mid
noqonaya  uu kursiga ku soo fariisan doono kalsoonida 51 xubnood oo
reerkiisa ka mid ah.