BAAQ NABADEED : THE INSTITUTE OF MODERN GALMUDUG

BAAQ NABADEED : THE INSTITUTE OF MODERN GALMUDUG

 

The Institute of Modern Galmudug (IMG) ayaa maanta soo saartey baaq ku wajahan xiisada ka taagan magalada Gaalkacyo, taasoo u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug.

Qoraalka Hay’adda ayaa lagu yiri ‘Waxaan baaq u jeedineynaa beelaha walaalaha ee dirirtu dhex martay inay wada hadal iyo is qancin ku dhameeyaan colaadooda, kana shaqeeyaan nabada. “Galkacyo waxay rabtaa wada horumarin, mana rabto dhiig danbe oo lagu daadiyo, sidaasi darteed waxaa leenahay dhanka wanaagsan wax ha laga eego”

Waxaan ku baaqeynaa ;

  • Waa in la joojiyo xabadda iyo dagaalka si shuruud la’aan ah.
  • Waa in la kala wareejiyo ama la kala qaado ciidamada labada dhinac ee is hor-fadhiya.
  • Waa in si wada-jir ah looga shaqeeyo sugida amniga magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka.
  • Waa in gudi loo magacaabo xallinta dagaalka iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.
  • Waa in ganacsatada, haweenka, dhallinyarada, odoyaasha, wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay qeyb ka qaataan wada-hadalada

Waxaan soo dhaweynayaa cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata. Waxaa xusid mudan in dadweynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin shacab leh taariikh soo jireen ah oo ku saleysan walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.

Nabad Baa Naas La Nuugo Leh

Mudug.com